Halkan Ka Akhriso Nuxurka Warqad Digniin Ah Oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland U Dirtay Mulkiilayaasha Hudheelada Gobolada Dalka Iyo Waxa Ay Mamnuucday

Hargeysa(GNN)Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa warqad digniin ah u kala dirtay  hudheelada waa wayn ee ku yaala magaalooyinka iyo gobolada Dalka taas oo ay ku socodsiisey gudoomiyayaasha gobolada Dalka iyo mulkiilayaasha hudheelada.

Waxaana wasaaraddu ay mulkiilayaasha hudheelada ku amartay in aan hudheeladooda lagu qaban Karin shirarka kicinaya bulshada iyo waliba cid kaste oo kasoo horjeeda mashruucyada horumarineed ee dalka kuwaas oo ay ugu hanjabtay wasaaraddu in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa warqadan shalay u kala dirtay hudheelada waxaana warqadan oo nuqul kamid ahi nasoo gaadhay ay u dhignayd sida tan.

 

 

 

 

Exit mobile version