Dadkii walaalaha ahaa ee Dacawalay ku shahiiday iyaga oo dhiiggoodii qoyan yahay dadka u kala abtiranaya ee beel beel u kala saarayaa waa munaafiqiin cadawgii soo duulay ka xun.
Beesha Abokor Muuse haldoorkoodii iyo nin garboodkoodii oo ay ugu horreeyaan: Axmed Xasan Qalas, Cabdilaahi Cabdi Jeeni-gaab, Cabdi Xuseen Ildab, iyo tabonnaan dhiggooda ah oo ay cadawgu ku taami jireen waxa ay ku naf waayeen dacawalay iyaga oo u soo gurmaday tolkood.
Abaal odhan maayo oo waa dad wada dhashay oo nafta iyo maalkuba ka dhexeeyaane waxa ay se cadawga tuseen in aan mid mid loo ugaadhsan karin maatidoodana lagu hor xasuusi karin meelna ay ku wada dhimanayaan, waana libin iyo geesinimo ay hormood u yihiin taariikhduna ay xusi doonto, quluubta iyo qalbiyada tolkoodna aan ka bixi doonin.
Haddaba geesiyadii tolnimada iyo wada dhalashada u god galay ee adiyada iyo kibirka tolkood loola yimid ka dhiidhiyey, deegaankooda iyo dadkoodana difaacayey ninka odayaashii Awaare ka hadlay dartood ku ilaaway iyo ka ku manno sheeganayaaba isma dhaamaan ee umadda haka xishoodaan.
Waxa aan goob joog u ahaa Inanta walaakeed, Aabbaheed dumaashigeed iyo soddogeedba ku dhinteen dacawalay ee haddana aan ax odhan, maalintii aaskana inta ay dhexda xidhatay Balligubadle iyo Abokor u dhaxaysay. Waxa se intaasba kaga daran oo kaga xanuun badan waxa ay maanta ragga qaarkood wad wadaan ee ay qorayaan. Waar billaahi calaykum dadkii dhintay ehelkooda iyo maatidooda aynu ka xishoonno haddii aynaan waxba tarayn oo hadalada kala fogaynta iyo munaafaqadda ah aynu ka dayno.
Eebbe ha u naxariisto dhammaan dadkii ku naf waayey dacawalay ee maatidooda iyo sharafkooda difaacanayey.
Allah haw naxariisto Intaasba
Raga dhintay ee Abokor muse iyo magacyadooda
1. Axmed xasan (Qalas)
2. Khadar cali xasan (qalas)
3. Axmed maxamed caydiid
4. Cabdilaahi Cabdi guure (jeenigab)
5. Rashiid Babuur Cabdi-yar
6. Cabdi xuseen (ildab)
7. Mustafe Abiib yuusuf (Bulaale)
QALINKII: Tacabir Xaaji