Maayarka Gabiley waa Halyaygii Horumarka Gabiley shaqsi leh Dulqaad Dacadnimo Uu ugu Adeegayo‏ Bulshadda soo Dooratay”

Maayarka Gabiley waa Halyaygii Gabiley shaqsi leh Dulqaad Dacadnimo Uu ugu Adeegayo‏ Bulshadda soo Dooratay”
Maayar Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdimarkii uu la wareegay xilka ama maamulka Dawladda hoose waxay ahayd meel ay wax badani ka qabyo yihiin, maxaa yeelay maamulkii Uu Xilka kala wareegay Ee ka Horeeyey oo ka Tagay hawlo fara badan, Maanta Waad Arkaysaan halkay Taagan-tahay oo wuxuu isku Dayayey in uu wax badan ka bedelo, dhinaca Tayeynta shaqaalaha dawladda hoose, Waxa Uu Ku Dhiiraday Isaga Iyo Golaha Uu Odayga U Yahay Inay Iyagoo Isku Duuban Ay Kala Sufeeyaan Dayntii Baaxada Lahay Ee Uu Ka Tagay Maayarkii Ka Horeeyay Isaga
Intasi Kadibna waxa Uu Gudo Galay In Uu Bilaabo Mashaariic horumarineed Oo Kala Duwan
Iyowaliba dhinaca Bilicda dhismayaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarumaha Dawladda Hoose ee Gabiley Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Dadwaynaha Loga Adeego Oo Uu Qaarkamid ah Dhismayaal Iyo Qalabayn U Sameeyay

Maayarka Gabiley Maxamed Amiin waxa uu ku Guulaysatay In Uu Gabiley Ka Hirgaliyo Wadooyin Casriya Oo Aan Hortii Laga Hirgalin Guud Ahaanba Gobolka Gabiley Wadooyinkasi Oo Ahaa Kuwa Halbawlaha U Ahaa Jidadka Dhexmara Gudaha Magaalada

Waxayna Qaarkood Hor Mari Jireen Xafiisyada Dawlada Waxayna Ahaayen Kuwa Laga Dheehdo Bilicda Magaalada Waxana Islamarkaba Indhaha Dadku Qaban Jireen Wadooyin Goo goAnd Oo Ahaa Kuwa Xudhurta U Ah Wadooyinka Magaalada

Kuwaasi oo markii Hore xiliyada ay Roobabku dalka ka bilaabmaan ay caqabado fara badan kala kulmi jireen Gaadiidlayda iyo Dadka shacabka ahi.
Sidoo kale waxa laga Raystay intii uu maayarkani xilka Uu Qabsaday Wadooyinka Madawga Iyo Mugdiga Magaalada Oo Uu Wakhtigani Iftiimiyay
Haddaba, marka aynu hoos u Eegno ama Aynu Qiimayno wax-qabadka Faraha badnaa ee Dhinaca horumarinta arrimaha bulshada, bilicda Gabiley hagaajinta waddooyinka, dhismayaasha noocyadooda kala duwan ee Gabiley iyo nawaaxigeedu Ay Nasiib U Yeesheen In Uu U Hirgaliyo maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo Kaashanaya Golihiisa Deegaanka Gabiley
Waxay cid kastaa og-soontahay oo ay marag ka tahay Gaar ahaanna Dadka Jecel Horumarka Iyo Waxqabadka Ka Tis Qaaday Gabiley Waa Mid Aan qofna hil maami karin horumarka muuqda ee Maayer Maxamed Amiin Iyo Golihiisa Deegaanku ka hirgeliyey Gabiley taasina ay tahay Sababta ay Madax fara badan Cuqaasha Salaadiinta Waxgaradka Iyo Dadka inta Labeenta U Ah Ee Gobolkani Gabiley, Ay U Farxad Galisay Islamarkaasina Abaal Iyo Amaanba Ugu Hayaan
waxqabadka Maayarka Iyo Golihiisa Waxay Midaasi Keentay In Qolqol Joog Iyo Qurba joog
Inta Ku Abtirsata Gabiley ay Haatan Indhahoodu Ugu Soo Jeedaan Ama Diyaar U Yihiin Inay Ka Qayb Qaataan Oo Ay Barbar istaagaan Maamulka Uu Hogaamiyaha U Yahay Maayar Maxamed Amiin Cuma Cabdi Oo Ay Ka Qayb Galaan Horumarka Gabiley Ka Hilaacay
Maamulkani Ayaa Noqday Mid Fure U Ah In Ay Qurba Joogta Gabiley Aaminad Iyo Kalsooni Buuxda U Yeeshaan Waxkastoo Ay Kala Qayb Galayaan Horumarinta Iyo Ka Qaybgalka Taakuloyinka Iyo Qaadhan Uruurinta Goobaha Waxlogu Qabanayo Arimaha Bulshada Gabiley
Sidoo kale Qaar badan oo ka mida Bulshada Somaliland ee jecel Horumarka waddanka ayaa aad u Danaynaya in Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi Uu xilka maayarnimada Gabiley sii hayo intaa in ka badan Taas oo ay ku muujiyeen wax-qabadkiisa muuqda ee uu sameeyey muddadii koobnayd ee uu Maayerka ka ahaa,Gabiley taasoo ay ku Doodeen in uu mudan yahay in uu sannado badan sii joogo xilkaasi.
Waxaana uu si Hagar la’aana ugu adeegaa bulshada Gobolka Guud Ahaanba si uu bulshada utuso Maxamed Amiin shaqsiga Uu yahay kartidiisa iyo aqoontiisa Dabeecadiisa iyo siyaasadiisa hoggaamineed ee Durugsan.
Waxa meel walba ka muuqda oo xusuus mudan waddooyinka bilicda leh ee uu Maxamed Amiin ka Hirgaliyey Daafaha kala Gadisan ee Gabiley iyowaliba Waxqabadada Kale Ee AY Ka Samaynayaan Deegaannada hoos Yimaada Gobolka wax halkan lagu soo koobi karo, Maaha
markaynu si dhaba u Eegno ama u milicsanno horumarka uu Maamulka Dowladda Hoose ee Gabiley Gaadhsiiyey muddadii uu xilka hayey
Iyadoo Golaha Deegaanka Gabiley Oo Mudadii Hore Ay Dadku Quus Ka Qaadeen Wakhtiyadii Ay Muranka Iyo Is Qabqabsiga Badan Ku Jireen
Balse Tan Iyo Markii Ay Golahasi U Cumaamadeen Hogaanka Golahasi Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo Ay Cod Aqlabiyada Ku Doorteen Waxay Dhexda U Xidheen Inay Ka Dhabeeyaan Hadafkii Iyo Himiladii Ay Dadwaynihii Soo Doortay Uga Fadhiyeen Inay U Qabtaan Xildhibaanada Ay Codka Cuduuda Iyo Cuudkaba U Hureen
Waxayna Xildhibaanadani Si Dhab Ah Uga Jawaabeen Su,aa hii Shacbiga Markii Ay Hogaanka U Doorteen Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo Ay Garab Taagnayeen Ilaa Wakhtigay U Cumaamadeen Ilaa Maanta Oo Horumarkii Ugu Balaadhna Ka Socdo Gabiley Inagoo Aan Halkani Kusoo Koobi Karin Waxa Uu Qabtay Maayarka Iyo Golihiisu Hadii Aynu Mid Iyo Laba Dil Istaagno Waxa Kamid ah Kuwa Ugu Culus Sida Garoonka Casriga Ah Ee Mo Faarah Oo Gabiley Wakhtigani Ay Nasiib U Yeelatay In Uu Hirgaliyo Maayar Amiin Iyo Golahiisa Waxa Kale Kamid ah Dhismaha Biriishka Dhismaha Wadooyinka Casriga Ah Oo Ay Ka Mid Tahay Wadada Afarta Haad ah Kawaanka Arabsiyo
Sariimada Sadexaad Ee Gabilley Iyo Qaarkalo Badan Oo Aynu Kusoo Qaadan Doono Warbixinada Danbe
Markaa waxay Qiimayntu u taallaa dadka wax Qiimeeya ee reer Somaliland oo intooda badani diyaar ula yihiin Maayar Maxamed Amiin Cumar in ay mar walba u Doortaan maayarnimada Iyo Kursi Kasii Waynba , waxaana cad horumarka iyo waxqabadka uu ka sameeyey dalka muddadii koobnayd ee uu xilka guddoomiye-nimada hayey sidaa daraaddeed, danta dadka iyo degmada Gabileyba waxay ku jirtaa in uu ahaado Maayer Maxamed Amiin iyaga oo qiimaynaya wax-qabadkiisa .
Sidoo kale waxa ay sheegaan dadka aqoonyahanka ahi in maayarka ay ka Go’an tahay Waxqabadka Balaadhan, horumarka Gobolka ah oo dhinac wax-qabadka ah Daacadnimo karti Dulqaad iyo deganaan ku Guto, sooyaalkiisa taariikheedna wax badan ka taro mustaqbalkana ugu Gudbo siyaasada hoggaamineed oo heer qaran ah.
Maayar Maxamed Amiin ayaa lagu tilmaami karaa masuul wax weyn ku soo kordhiyay Gobolkani Gabiley , isagoo weliba inta uu Gartay masuuliyadii uu Qaranka iyo Bulshadiisaba u hayay Dheeraad ku sii Daray. Isla markaana muujiyay hawl-kanimo iyo in uu si Daacad ah ugu adeego Bushadiisa, kana soo baxay masuuliyadii loo igmaday.
Waa Qalinkii Maxamed Xasan Sheekh Maxamed (Juba)