Maayer Rumeeyay Himilooyinkii Ay Ku Taami Jireen Shacabka Gobolka Gabiley Maayer Maxamed-Aamin Cumar Cabdi

Tan iyo Intii Maayer Md Maxamed-Aamin Cumar Cabdi Xilka Maayernimo Kala Wareegay Maayerkii Isga Ka Horeeyay Ee Shacayb Maxamed Muuse Ayaa Waxa Soo If Baxaya Hormarka Ay Ku Talaabsanayso Magaalada Gabiley Ee Xarunta Gobolka Gabiley,Wuxuuna Ku Talaabsaday Talaabooyin Ay Mahadiyeen Shacab Waynaha Ku Dhaqan Gobolku Oo Ay Ka Mid Yihiin Sida,

 

. Kaawaan Koolaha Lagu Qalo Oo Ay Markii u Horaysay Yeelato Magaalada Arabsiyo Kaasi Oo Laga Dhisayo Cashuurtii Laga Qaadi Jiray Muwaadiniinta Reer Gabiley,

. Rugta Saldhiga Booliska Ee Ay Yeelanayso Magaalada Kalabaydh Saldhigaasi Oo Uu Ku DHeeraday Inuu Hindiso Maayer Maxamed –Aamin Cumar Cabdi Si Looga Maarmo Ciidankii Markay Falal Danbi ka Dhacaan Kalabaydh Looga Yeedhi Jiray Gabiley,

. Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Gabiley Oo Loo Sameeyay Qolka Gargaarka Dag Dag ah Kaasi Loo Toogu Talagalay In Lagaga Baxo Bahidii ahayd in Marka Uu Dhaco Shil Ama Xaalad Dag Dag ah Oo Bina Aadnimo Lagu Dabiibo Maadaama Ay Gabiley Ku Taalo Tariiqa Dhiir Ee Loogu Kala Goosho Magaalooyinka Hargaysa iyo Boorama Oo inta Badan Ay Ka Dhacaan Shilalka Ugu Badan,

. Xanaanada Magaalada Gabiley Ayaa Waxa Iyadana Gudaheeda  Laga Hirgaliyay Xarunta Dhalaanka iyo Hooyada Taasi Oo Ay u Jeedkeedu Ahayd in Lagu Daryeelo Hooyooyinka Hoorlayda ah Oo Aany Ka Tagin Marka Ay Hooyodu Gaadho Inay Umusho Goobtaasina Loogu Halw Fududeeyo   Waxayna Taasi Markhaati u Tahay Sida Uu Maayer Maxamed-Aamin Cumar Cabdi u Garab Taagan Yahay Hooyooyinka Ku Nool Magaalada Gabiley,

. Qurxinta Wadada Laamayda ah Ee Hormarta Xarunta Dawlada Hoose Oo La Dulsaaray Rooga Madaw Kaasi Waxa Uu Kor u Qaaday Bicdii Wadada Waxana Taasina Wadada u Dheer in lagu Xidhay Laydhka Soolar Systmka Oo Wax Badan Ka Badalay Iftiinkii Gudaha Magaalada Gabiley

. Garoonka Sida Casriga ah Loo Dhisay Ee Mo Faarax Oo La Dhigay Rooga Cagaaran Waxana Garoonkaa Loogu Talagalay in Ay Dhilnta Reer Gabiley Kaga Baxaan Boodhkii iyo Siigadii ay Ku Ciyaari Jireen Hadaba Maayer Maxamed-Aamin Cumar Cabdi Ayaa Waxa Ka Go,an in Uu Is Agtaago Dhalinyarada Kala Duwan Ee Ku Dhaqan Magaalada Gabiley,

. Wadada isku Xidhidoonta Garoonka Mo Faarax iyo Gudaha Magaalada Gabiley SI Ay u Fududaato Isku Socadka Magaalada iyo Garoonku Waxana Mustaqbalka La Filayaa in Ay Magaaladu u Fido Galbeedka Waxana Suura Galinaysa Wadada Dawlada Hoose Ee Uu Hogaamiyo Maayer Maxamed Aamin Cumar Cabdi

. Sadoo Kalena Waxan isla Galbeedka Magaalada Gabiley Ka Socda Bariishka Sahli Doona In Laga Talaabo Dooxa u Dhexeeya Magaalada iyo Garoonka Mo Faarax Biriishkaasi Oo Noqonay Birishkii Ugu Horeeyay Ee Noociisay ah Ee Laga Dhiso Gabi Ahaanba Somaliland Tan iyo intii aynu Dib Ula Soo Noqonay Madaxbanaanida 1991KII,

.Iydana Waxa Gudaha Magaalada Gabiley Laga Dhisay Wado Afar Haada Oo Ka Bilaabaysa Miskid Jaamac Gabiley ilaa Saylada Xoolaha Waxana Wadadaa La Raaciyay Laydhka Solar Systemka Oo Loogu Tala Galay inay Kor u Qaado Bilicda Wadadaa,

Guntii iyo Gabagabdii Maayerka Maxamed-Aamin Cumar Cabdi Waa Maayer Rumeeyay Himilooyinkii Ay Ku Taami Jireen Shacabka Ku Dhaqan Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley Waxana Xusid Mudan in Abid Mashaariicdii ugu Balaadhnaa Ay Ka Tisqaadeen Magaalada Gabiley

 

Qalinkii Suxufi Guuleed Cali ibraahim(ilkacase)

Halwadaag-News

Gabiley/Office