Madaxweyne Siilanyo Oo Xilkii Ka Qaadey Mid Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidamada Somaliland Iyo Cidda Lagu Bedelay

Madaxweyne Siilanyo Oo Xilkii Ka Qaadey Mid Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidamada Somaliland Iyo Cidda Lagu BedelayWararka Naga soo gaadhaya Madaxyoooyada Somaliland ayaa sheegaya in xilkii laga xayuubiyey taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Axmed Daahir iyo weli ba sidoo kale xisaabiye Ku xigeenkii ciidankaasi

Xil ka qaadistan oo ahayd mid aan la shaacinin oo qarsoodi ah, ayaa wararka Aanu Ka Helaynaa Madaxtooyada Somaliland, Sheegayaanin xalay fiidkii labadan sarkaal laga xayuubiyey xilalkii ciidanimo Ee ay ka hayeen Madaxtooyada Somaliland,

waxaana taliyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland loo soo magacaabay Gaashaanle Cabdirisaaq Af-gaduud, halka aan weli la soo magacaabin xisaabiyahii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland.

 

Sarkaalkan lagu bedelay taliyihii hore ayaa waxaa uu hada ka tirsan yahay ciidamada qaranka ee jooga jiida hore waxaana uu ka soo jeeda gobalka Awdal

Xigasho Shabakada Burco Online