Telesom Oo Sii Wadata Tirtiridda Shilinka Somaliland, Awood Dhaqaalena Ku Hor joogsatay Go’aankii Madaxweynaha Ee Arrimaha Sicir-bararka

Shirar Gudaha Iyo Dibadda Ka Dhacay Oo Hormoodka TELESOM Saraakiil Xukuumadda ah La Galeen Oo Lagu Hagaasinayo Go’aankii Madaxweynaha

Telesom-1217x653-T1

Hargeysa:(Hubaal)-Shirkadda Is-gaadhsiinta ee TELESOM, ayaa diiday inay fuliso go’aankii uu dhawaan wareegtada kusoo saaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ujeeddadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa sicir-bararka iyo qiime-dhaca ku habsaday shilinka Somaliland oo loo arko inuu adeegga Zaad-ku  yahay tiir-dhexaad naafeeyey lacagtii qarankani lahaa.

Go’aamadaas oo markii ay xukuumadda kasoo baxeen bulshadu aad ugu riyaaqday, maadaama loo arkayey inay xal muuqda u yihiin qabatinka dollarka iyo xiise dhaca lacagta qaranka ee shirkadda TELESOM hormoodka ka tahay, ayaa hal bacaad lagu lisay noqday, waxana sababta go’aamadaasi u fuli waayeen kasoo baxaya warar kala duwan oo laf jab ku ah qaranimadii iyo dawladnimadii muddada dheer la intifaacsanayey.

Xogaha uu wargeyska Hubaal ka helayo dhicisowga go’aamadaas, ayaa sheegaya in hoggaanka sare ee shirkadda TELEMOM dedaal dheer u galeen sidii ay u xagal-daacin lahaayeen, meeshan uga saari lahaayeen in meesha laga saaro hab-xisaabeedka ay hantida umadda ku urursadaan ee Zaad-ka loo yaqaano, kaas oo ay u arkaan haddii uu meesha ka baxo inuu ganacsiga ay sida shiddada yar uga macaasheen curyaami doono.

Wararkani waxa ay intaas ku dareen inay hoggaanka shirkaddu shirar qarsoodi ah la galeen xubno awood leh oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kamid ah oo aanu wargeysku magacyadooda sababo jira u xusi karin, isla-markaana ay ka dalbadeen in meesha laga saaro go’aamadaas oo bulshada la ilawsiiyo fulintooda, iyada oo ballanqaadyo iyo saxeexyo adduun xoogani la socdona la is dhaafsaday.

Shirarkan oo qaarkood meelo dalka ka baxsan ka dhaceen, ayey hoggaanka Telesom si weyn cadaadis ugu saareen saraakiisha xukuumadda katirsan inay go’aankaas xashiishka ku daraan oo aan marnaba la fulinin qodobka ay sida weyn uga dacwoodeen ee sheegaya in Zaad-ka wixii ka yar $100(boqol dollar) loo beddelo lacagta Somaliland oo ay u arkaan mid laf-jab ku ah macaashka dhibta yar ee ay sida saacadlaha ah u helaan, iyada oo u  tafo-xaydan inay tirtiraan shilinkii qarankani lahaa, isla markaana ka faa’iidaysanaya shakhsiyaad aan lexejeclo dalka ka haynin oo ay sallaan ka dhiganayaan.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in shirkadda Telesom Dhaqaale laxaad leh oo ay Saamiyo weheliyaan ku bixisay sidii go’aamadaas loo joojin lahaa, iyaga oo si kalsooni leh usii wata hannaankoodii Dollar-ka ahaa ee ay ku qiimo dilayeen shilinka Somaliland.

Sidoo kale waxa ay madaxda sare ee shirkadda Telesom weli ku hawllan yihiin shirar qarsoodi ah oo ay dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba kula leeyihiin madax sarsare oo xukuumadda katirsan, iyaga oo kala xaajoonaya xagal-daacinta go’aamadii xukuumadda iyo sidii maal badan loogu bixin lahaa hagaasinta  go’aamadaas.

Shirkadda TELESOM waxa ay ka dhabaysay diidmadeedii go’aamada la kowsatay ee saraakiisheedu isla maalintii wareegtadu soo baxdayba warbaahinta ka sheegeen, waxana iyada maalka ay umadda ka urursatay adeegsanaysa ay ku guulaysatay inay hagaasiso go’aamadii umadda danta u ahaa ee shilinka qaranka loogu hiilinayey, iyada oo ujeeddadeedu tahay inay umaddan tabaalaysan ee abaaraha iyo sicir-bararku dhibaateeyeen dhiigooda nuugaan, isla-markaana ka dhigaan mid dollarka quudata oo ilowda lacagtii ay is ahaan u lahayd.

Xukuumadda oo markii hore muujisay inay tahay dawlad awood u leh inay fuliso go’aamadeeda oo fure u ah astaanta qaranimo, ayaa u muuqata inay dib uga baxday arrimahaas, iyada oo xubnaheeda awoodda badanina muujiyey inay u dabceen dedaalka saraakiisha TELESOM ku doonayso inay sii wadato qiimo-dhaca shilinka dalka iyo welba macaash ka raadinta bulshada tabaalaysan.

Haddaba haddii ay go’aamadaasi oo ay xukuumaddu soo saartay 24-kii  bishii koowaad (January) sida imikaba muuqata fuli waayaan, isla-markaana ay guulaysato dedaalka sy TELESOM ku xagal-daacinayso ee ay maaliyadda culus iyo bixinta saamiyada u isticmaalayso waxa meesha ka baxaysa haybaddii dawladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ay xilligan ka faa’iidaysanaan ganacsatada naxariistu ka fogaatay ee ee halganka ugu jira inay tirtiraan lacagta shilinka Somaliland.\

Xigasho Wargeyska Hubaal Cadadkiisii Maanta.