“Wadaadadu Waxay Ka Hadlaan oo Kaliya Maslaxadooda …..” MUJ CALI GURAY

HARGAYSA(GNN) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) Oo kamida shaqsiyaadka tirada yare ee sida joogtada ah ufalanqeeyay xaaladaha siyaasadeed ee kataagan Somaliland ayaa sharaxay faa,idada ay leeyihiin bangiyada caalamiga ahi

Sidoo kale muj Cali Garay ayaa soo bandhigay in aanay waxba ku kala duwanayn bangiyada xiligan somailand ka shaqeeya oo uu sheegay in ay dadka saaraan dulsaar ka badan ka ay qaadaan bangiyada dulsaarka leh (ribada )

Dhanka kale muj cali guray aa eedo culus u jeediyay qaarkamida (culimada) wadaada dalka oo maalmahan sida fiinta uga qaylinayay xeerka bangiyada ee golaha wakilada la horgeeyay dhawaan kuwaasi oo uu ku tilaamay kuwo aan ka hadlay xaaladaha baahsan ee dalka ka jira balse marka ay gaadho meel ay danka leeyihiim uun bilaabo qaylo ayku difaacanayaan danahooga dhaqaale wuxuna sidaa ku sheegay   qoraal uu ku baahiyay barta u ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebooga wuxun Usoo dhignaa sidan;

“Maalin keliya ma ka hadlay dulmiga cadaalad darrada musuqmaasuqa qabyaaladda iyo eexda iyo qaraabo kiilka. Maya waayo intaas oo dhami isaga iyo inta la midka ah danahooda ma taaban. Lakiin Adeega Baananka Caalamka Islaamka ah oo dhan ka jira aad bay uga wada qayliyeen.

Adeega Baananku ay bixiyaan ma amaah oo keliya? Adeegyada kale ma ribaa? Hadii 1000$ la ii soo diro waxay qoodanayaan kuwa Baananka kale diidani 50& kuwa ay diidan yihiin hadii 1000$ la ii soo diro iyo hadii 10,000$ la ii soo diro waxay iga goostaan waa 6$. Kee baa ribo ah? Kee baa dadka masaakiinta ah dantooda ah? Waar diin maaha waxay ka hadlayaane muraadkooda in cid fahmi kartaa ay jirto miyaanay tolow garanayn? Ilaahay inu uurkooda wax ku jira og yahay miyaanay ogayn.