Wadahadalkii Somaliland Iyo Hogaanka Khaatumo oo Maanta Si Rasmiya Uga Furmay Dalka Djabouti.

Waxaa maanta si rasmi ah caasimda dalka Jabuuti uga furmey wajigii
saddexaad ee wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Maamulka Khaatumo .

Wada hadalkan oo qorshihiisu ahaa in uu furmo 21 bishan ayaa dib u dhac afar cisho ah ku yimid ka dib markii qaar ka mid ah waftigii Dhinaca Somaliland ay habsameen

tmp_4990-IMG_050090-1D313E-39E31B-E222B8-DCAB72-55D93E2117975282

Shabakada Gabiley News ayaa waxaa ay arintani ka wareysatey isla markaana ay xidhiidh la yeelatey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah gudida wada hadalkan dhinaca Somalilan ugu jirta waxaana uu yidhi

” Adeer maanta ayuu shirkii noo bilowdey , waxaana aanu jecel nahay in aanu ilaa isniinta dhameystirno , salaadana aanu nasano maalinta Arbaca da ahna aanu soo baxno , waxaana aanu ku heshiinay in wax faahfaahin ah oo intaas ka badan aanan bixin ” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Shabakada Ilaysnews.com

Wajiga Saddexaad ee wada hadalkan ayaa waxaa la filayaa in w ay ka soo baxan go,aamo cul culus oo labada dhinac ba ah