Hargeysa(GNN)Fadhigan saaka oo uu hogaaminayey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu gudoomiyuhu xildhibaanada ku wargeliyey in uu muddo kordhinta u saaray guddi kasoo talo bixisa muddada la kordhin karo xukuumadda,iyada oo ay xusid mudan tahay in madaxwayne Siilaanyo golaha guurtida usoo gudbiyey muddada ay ku heshiiyeen saddexda dhinac ee madaxda xisbiyada qaranka,guddiga komishanka iyo madaxwayne SIilaanyo oo ahayd in doorashada madaxtooyada la qabto 10.10,2017-.
Mudanayaashan gudoomiye Saleebaan u magacaaabay guddiga kasoo talo bixinta muddo kordhinta ayaa waxa ay kala yihiin magacyadoodu sida tan
- Siciid Jaamac Cali Gudoomiye ahna gudoomiye ku xigeenka golaha guurtida
- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Xubin
- Maxamuud Xaashi Goobe Xubin
- Cawil Cismaan Maxamuud Xubin
- Axmed Nuur Aw Cali Aadan Xubin
- Xaaji Cabdikariin Xuseen Cabdi Waraabe Xubin
- Cabdiqadir Maxamed Xasan Xubin
- Cabdiqaadir Qawdhan Maxamed Xubin
- Dayib Xasan Axmed Xubin
- Siciid Cabdilaahi Askar Xubin
- Xirsi Ciise Jaamac Xubin
- Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug Xubin
- Siciid Xaaji Xuseen Muusi Xubin
- Muxumed Aw Axmed Xaaji Xubin
- Muuse Xaaji Cabdi Ducaale Xubin
- Muuse Aw Ibraahin Xubin
- Nuur Digaale Kheyre Xubin
- Cawil Xuseen Axmed Xubin
- Axmed Aadan Jirde Xubin
- Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Shaadh Xubin
- Yuusuf Cabdilaahi Cawaale Xubin.
Gabagabadiina waxa la wada sugayaa go’aanka kasoo baxa guddigan ka kooban 21 xildhibaan ee loo igmaday in ay kasoo talo bixiyaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda madaxwayne SIilaanyo.
Cabdifataax Xareed