War Deg Deg Ah:-Weerar Ka Dhacay Xarunta Baarlamaanka UK Iyada Oo Raysal Wasaaruhu Ku Sugan Tahay

London(GNN):-Askari ka tirsan ciidamada booliska dalka UK ayaa lagu tooriyeeyey dhismaha baarlamaanka ee magaalada London, iyada oo qofkii weerarka soo qaadayna ay toogteen ciidamada amaanku.
Baabuurta gurmadka deg dega ah ayaa gaadhay goobta uu shilku ka dhacay.Wararka laga helayo goobta weerarku ka dhacay ayaa sheegaya in si badheedh ah gaadhi loo jiidhsiiyey dad marayey buundada Westminster.

Raysal wasaaraha Britain Theresa May oo ku sugnayd baarlamaanka ayaa loo qaaday goob amaan ah markii rasasta la maqlay.

Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xidhiidhin weerar lagu soo qaaday raysal wasaarah, iyada oo la hakiyey kulankii baarlamaanka.

Waxaa jira

warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xidhay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawacmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xidho  boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.
Halkan Ka Daawo Sida Ay Wax U Dhaceen.

Xigasho Aljazeera News English.