Warbixin-Madaxwayne Obama OO Noqday Madaxweynihii ugu Saboolsanaa oo isagoo Deyn lagu Leeyahay ka Daga Madaxtinimada Maraykanka

Washinton(GNN):-Madaxweyne Brack Obama oo bishii hore xilka ku wareejiyey

madaxweynaha bedelay ee Donald Trump ayaa waxa uu xilka ka tegey isaga

oo haysta hanti dhan 7 Milyan oo Dolar, iyo hal guri oo lacagtii uu ku iibsaday weli lagu leeyahay.

Gurigan oo ku yaalla Magaalada Chicago waxa uu Obama ka qaatay bangi,

waxa aanu heshiisku yahay in uu muddo 30 sano ah ku bixiyo lacagta

guriga oo la saaray dheef-kor dhan boqolkiiba 5.62 Dolar.

Warbixin maaliyadeed ka soo baxday Guriga Cad ee Mareykanka ayaa lagu

sheegay in madaxweynihii dhowaan xilkiisu dhammaaday ee Barack Obama iyo

xaaskiisa Michelle Obama ay haystaan hanti maaliyadeed oo lagu qiyaasay

inta u dhexeysa 1.8 Milyan illaa 7 Milyan oo Dolarka Mareykanka ah,

waxaana lacagtaas ku jira qiimaha guri keliya oo uu Obama leeyahay,

qiimihiisana lagu qiyaasay Hal Milyan oo Dolar.

Warbixin maaliyadeed ka hadlaysa haynta madaxweynaha xilka ka tegey oo

caado ahaan uu Guriga Cad soo saaro mar kasta oo uu madaxweyne xil ka

degeyo ayaa lagu sheegay in Obama Guriga uu leeyahay guri deyn ahaan

kaga qaatay mid ka mid ah bangiyada guryaha dhisa ee sii iibiya, waxaanu

gurigan deynsaday markii uu dhowr sano madaxweyne ka ahaa dalka

Mareykanka oo lagu tilmaamo in uu dhaqaalaha caalamka saddex meelood

meel gacanta ku hayo, isla markaana yahay dalka ugu dhaqaalaha badan dunida.

Warbixintan ayaa sida nidaamku yahay marka hore loo gudbiyey madaxweyne

Obama si uu u saxeexo kadibna la baahiyey, si hadhow haddii hanti intaas

ka duwani u soo baxdo isaga oo aan shaqo kale ama ilo dakhli oo kale

helin dib looga daba iman doono si loo weydiiyo sida ay ku dhacday.

Madaxweyne Obama oo sida muuqata ay ka dhaqaale badan yihiiin kumannaan

muwaadiniinta dalkiisa ah ayaa marka la eego hantidan yar ee uu haysto,

waxa uu ka mid noqonayaa liiska madaxda dunida ugu faqiirsanayd markii

ay xilka ka dageen.

Warbixintu waxa ay sheegtay in sanduuqa hawlgabka ee qofku marka uu

shaqada ka fariisto lacagta Bisilka loo yaqaanno laga siiyo ay Obama iyo

afadiisa ugu jirto lacag u dhexeysa 100 kun oo Dolar illaa 250 kun oo Dolar.

Warbixintan Guriga Cad kasoo baxday oo ka koobnayd Siddeed bog, waxaa

lagu sheegay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden uu

haysto maaliyad u dhexeysa 120 Kun oo Dolar illaa 550 kun oo Dolar,

dhammaanteedna ah Naqad u yaalla Akoono bangiyo maalgashi, iyo caymisyo

kala duwan.

Barack Obama oo ah madaxweynihii 44-aad ee dalka Mareykanka, da’diisuna

55 sano jir tahay, waxa uu diiwaanka Mareykanka ee shaqaalaha heer

federaal ugu jiraa in uu yahay hawlgab, maadaama uu Siddeedii sano ee u

dambeeyey dalkiisa ugu soo shaqeeyey madaxweynenimo, waxaanu hawlgab

ahaan ku mutaysan doonaa in sannadka soo socda la siiyo lacag dhan 207.8

kun oo doolar, taas oo u dhiganta kala bar lacagtii musaharka

madaxweynenimo ee uu sannadkii qaadan jiray.

Obama iyo madaxweyne kasta oo xilku ka dhammaado dalka Mareykanka waxa

uu sidoo kale sharcigu u ogol yahay in toddoba bilood oo ka dambeeya

marka uu xilka ka dego, la siiyo adeegyo lagu magacaabo adeegyada

xilliga kala guurka oo looga jeedo in madaxweynaha xilka ka dega la

garab istaago oo adeegyo kaalmo ah la siiyo inta uu nolosha

muwaadinnimada caadiga ah la qabsanayo.

Dhinaca kalana maadaama uu madaxweynaha Maraykan dastuur ahaan yahay

taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waxa uu xeerka ciidamada

hawlgabka ah ku helayaa xuquuq kale oo ka duwan kuwa uu madaxweynenimada

ku helayo, waxaana ka mid ah in marka uu xilka ka tago, inta noloshiisa

ka hartay la siiyo adeeg amni iyo ilaaliyeyaal gaar ah, sidoo kale waxaa

la siinayaa caawimo maaliyadeed oo ah dhinaca safarrada, xafiiska uu

samaysto kharashka ku baxaya, kharashka isgaarsiinta, iyo kharashka caafimaadkiisa ku baxaya.