Wefdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Qeyb Galay  Shirkii 4aad Ee  Dalalka Islaamka Afrika Oo Ka Dhacay Dalka Tanzania + Sawiro

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay badi dalalka islaamka ah ee qaraada afrika oo ay Somalilandna ka mid tahay.  madax Sharafeedkii   halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa

1) Wasiirka Arrimaha dibedda & Isk. Caalamiga ah ee  Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire

2) Kaaliyaha xafiiska Madaxweynaha Tanzanaia H.E  Faustin  Kamuzora

3) Safiirka dalka sudan u fadhi Tanzania H.E Mahgoub Ahmed

4) Safiirka dalka Pakistan u fadhi Tanzania H.E Amir Khan

5) Gudoomiye –ku Xigeenka Hayada  Cameysika Tanzania H.E Saqware

Dhamaan madaxdaasi  waxay hoosta  ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in la  dardar geliyo nidaamka maalgelinta bangiyada islaamiga ah.

Waxa xusdi mudan dadkii  meesha joogay oo ay  soo jiidatay markii  Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland uu la wadaag  in barlamaanka Jamhuuradda  Somaliland ay ansixiyeen  Xeerka Bananka Islaamka XEER LR.55/2012  oo Maxaweynahay Jamhuuryada Somaliland uu saxeexay dhaqan gelinta xeerkaasi 2012 bishii 10/03/2012.

Wefdiga wasiirka waxaa ku weheliyay  Gudoomiyaha Hayada Qurbjooga JSL Mudane Abdi Cabdilahi Xirsi iyo Agaasimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarij-ga Somaliland Mudane Cabdiqani Axmed Xassan “Goole”

Gaba gabadii shirkaasi waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay Wasiirka Arr.ddibedd JSL iyo xubnihii la socday ee wefdigaasi.

Wefdiga uu Hogaaminaya wasiirka Sacad Cali Shire ayaa waxaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshayan dawlada Tanzania gaar ahaan Wasiirka Arrimaha dibeda Tanzania Ambassador Augustine Mahiga. Waxa kaloo la filaya in wefdigu   kulan balaadhan la yeeshaan  jaliyadda  Somaliland ee ku dhaqan dalka Tanzania.

 

 

 

 

 

Exit mobile version