Xisbiga Waddani Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Haldoorka, Dhallinyarada Iyo Haween Ka Soo Jeeda Degmada 26-Ka Juun Ee Hargeysa –

Hargeisa(GNN):-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey taageerayaal miisaan culus oo ka soo jeeda degmada 26ka Juun ee Hargeysa oo ku soo biiray Xisbigaasi ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), xoghayaha guud ee Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Xamarje iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin aad u tira badan ku waasi oo goob u ahaa xafladda ay cududooda taageero ku muujinayaan dhallinyarada degmada 26ka Juun.

Qaar ka mid ah dhallinyarada oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida diiran ee looggu soo dhaweeyey Xisbiga WADDANI, waxaana ay tilmaameen in dhallinyarta degmada 26ka Juun aanay ahayn kuwo u xidhan cid gaara isla mar ahaantaana ay maanta laga bilaabo codkooda iyo cududooda ba la barbar istaagi doonaan Xisbiga WADDANI, iyaga oo sida oo kale halkaas dhalliilo xooggan u soo jeediyey Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu dalka kala qoqoqabay mudadii uu xilka hayey.

“Farxad bay noo tahay in aanu ku soo biirno Xisbiga WADDANI, waxaana aanu weli ba ku sii faraxsanahay sida diiran ee na loo soo dhaweeyey, anagu na ka xaafad ahaan waxa aanu idiin sheegaynaa in codkayagu aanu ahayn mid cid gaara u xidhan anaga oo weli ba garab iyo gaashaan ba u noqon doona Xisbiga WADDANI oo aanu cod iyo cudud ba ku garab geli doono, waxa kale oo aanu idiin sheegaynaa in dalku badbaado u baahan yahay oo Xisbigaa KULMIYE uu baabiiyey.”.Ayey yidhaahdeen dhallinyartaasi

Siyaasi Xamarje oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in dhallinyartaasi ay ku soo biirto Xisbiga WADDANI isaga oo fariin u diray Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in ay dhowraan sida oo kale na ixtiraamaan dimuqraadiyadda iyo jiritaanka Axsaabta si qof walba uu u galo halka uu fikirkiisu aaminsan yahay, waxaana uu si aada dhallinyartaas uu uga la dardaarmay oo uu uga digay ku dhaqanka qabyaaladda iyo in qabyaalad wax lagu doorto.

“Waxa aad inaga dhowrtaan xasaasiyadda qabiilka, dadka tartamayaana waa shakhsiyaad ee qabiilo maaha, kuwo hore oo ku guul daraystay Doorashooyinku na qabiilo may ahayn ee iyaga oo qofaf ah uun bay dhaceen maantan waxa tartamaya Cabdiraxmaan iyo Muuse Biixi, labadoodu na waa shakhsiyo qabiilo ma tartamayaan, inagu na haddii aynu nahay xaafadda June waxa aynu u baahan nahay dawlad wanaagsan oo inoo dhalata.”.Ayuu yidhi Siyaasi Xamarje

Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa guubaabiyey dhallinyarta degmada 26ka Juun, waxaana uu ugu baaqay in ay badhka kale ee hadheyn ay gaadhsiiyaan wanaaga yaala gudaha Xisbiga WADDANI isaga oo sida kale na dhalliilay Xisbiga KULMIYE.

“Dhallinyarada Juun, waa dhallinyaradii aadka u firfircooneyd, waa ragii aanu KULMIYE isku ahayn ee aadka u shaqeyn jiray , markaa aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa maanta, waanan ku faraxsanahay runtii .”.Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey sida oo kale na tilmamay in uu ku faraxsan yahay dhallinyartaas ku soo biirtay

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si aada u soo dhaweeyey dhallinyartaasi, waxaana uu tilmamay in uu ku faraxsan yahay ku soo biiritaankooda Xisbiga WADDANI isaga oo dhanka kale na tilmaamay in Xisbiga WADDANI uu u taagan yahay dhallinyarada iyo cadaaladda.

“Waxa aan ku faraxsanahay dhallinyarta ku soo biirtay WADDANI, waxaana aan lee yahay soo dhawaada, kuna soo dhawaada xisbi aan la kala lahayn oo dhallinyartu horumuud u tahay. Xisbiga WADDANI, waa xisbi sumaddiisu tahay reer Somaliland, waa xisbi aan la kala lahayn, waa xisbiga rejada Somaliland, waa xisbiga badbaadada Somaliland, waxaana aanu jecel nahay in badbaadada Somaliland aad qeyb ka noqotaan dhammaantiin.”. Murashaxa Madaxweynaha WADDANI