Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxaa ay shirkada maamusha dekada ee
Dp World la saxeexatey heshiis ku saabsan sidii shirkadaasi loogu wareejin lahaa maamulka dekada Puntland .
Saxeexa heshiiskan ayaa waxaa uu maanta ka dhacay magaalada Dubai ee dalka imaraadka waxaana lagu heshiiyey qodobadan
1-Puntland waxay ogolaatay in shirkadani la wareegto maamulka Dekadda Boosaaso waxaana ay maamulaysaa 30sano oo ka bilowmaysa maalinta heshiiska la saxiixay.
2- Shirkada DPWorld waxay dhisaysaa Dekad cusub oo Balaceedu yahay 450 mitir , joogeeda hoosena yahay 12mitir .
3- Waxaa la dayac tiri doonaa oo la balaarin doona Dekadda Boosaaso ee hada shaqeysa.
4- Kharashka Shirkadan gelinayso Dekadda waa $336 Million, oo wejiga kowaad la bixinayo $200 Million.
5- Dhismaha Dekadda waxaa lagu dhameystiri doonaa 24bilood oo ka bilowmaysa marka heshiiska la saxiixo.
Heshiiskan Dhinaca Puntland waxaa u saxiixay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Wasiirka Dekaddaha Saciid Maxamed Raage . halka dhinaca Shirkada P&O (DPWORLD) uu u saxiixay madaxa shirkada Sultaan Axmed Bin Salueymaan