Culimo Aw Diinta Dalka Oo la filayo In Ay khudbada Salaada Jimcaha Bulshada Ugu Iftiimiyaan Khatarta Urur-diimeedka Hargeysa Lagaga Dhawaaqay Iyo Xukuumadda Oo Si Dhow Ula Socota!!

Hargeisa(GNN):-Laamaha amniga iyo hay’adaha kale ee xukuumadda Somaliland u qaabilsan arrimaha shareecadda oo toddobaadkii u dembeeyey si gaar ah isha ugu haysay dhaq-dhaqaaqa urur-diimeed dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay oo qaarkood xabsiga loo taxaabay ayaa la weriyey in ay dhawrkii caano maal ee u dembeeyey si dhow ula socdeen shakhsiyaad lala xidhiidhinayo in ay si dadba iyo si daaalacanba ugu lug leeyihiin kooxda ku dhawaaqday ururkan. Warar hoose ay warbaahintu heshay ayaa  tibaaxay in olole ay labadii maalmood ee u dembeeyey ay xukuumaddu ku qaaday Masaajida dalka gaar ahaanna kuwa caasimada ay culimada khadiibka ka ah ka dalbatay in ay Khudbadda salaadda jimcaha ee Maalinta Bari ay ku iftiimiyaan mawqifka ay diinta Islaamku ka qabto fikirka urur diimeedkan iyo dabcan  fariiqooyinka ku taxalluqa aasaaskoodaba.

CULIMO IYO KOOXDII LA QABTAY

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in xukuumaddu ay shalay illaa xalay xooga saartay sidii ay culimada dalku ay bulshada ugu bayaamin lahaayeen khataraha iyo cidhib xumada ay ururrada la afkaarta ah kan Hargeysa lagaga dhawaaqay ee Asaadicuuna-bil-xaq lagu magacaabay u horseedi karaan bulshada reer Somaliland, iyada oo dhinaca kalena uga digtay in ay gebi ahaanba mamnuuc tahay taageerida iyo dananaynta ururkan oo ciddii laabta ka jeclaata ama hadal iyo fal ku taageerta loo arkid oono in ay kala qaybinayaan ummadda reer Somaliland oo 100% Muslim diinta Islaamka ku abtirsada ah.

Wararka aanu ka helayno dhaqdhaqaaqyada lagaga soo horjeedo xubnahan sheegay in ay ka tirsan yihiin ururdiimeedkan ayaa tibaaxay In dhamaan masaajidada waawayn ee dalka gaar ahaan kuwa caasimada ay khudbada salaada jimcaha bulshada ugu iftiiminayaan waxyaabaha ay diinta islaamku ka qabto kooxahan iyo firqooyinka ay ku taxaluqdo iyo khatarta ay leedahay cidkasta oo isku dayda in ay kala qaybiyaan umad wada islaamka.

sh, maxamed Aadan

Sidoo kale xukuumada Somaliland ayaa iyadu si dhow ula socota cidkasta oo ka leexata awaamiirta dalka iyo mawqifka ay iska taagtay xukuumada oo iyadu gabi ahaanba gudaha dhigtay xubnihii Hargaysa kaga dhawaaqay qaar ka mida kuwaasi oo dhawaan lagu maxkamadayn doono Haragysa taasi oo lagu ciqaabi doono waxa uu ka qabo dastuurka Somaliland oo ay ka reeban tahay in cidi samaysato urudiimeed, ama urur ku dhisan qabyaalad,

Dhanka kale shacabka reer Somaliland ayaa dareen shaki leh ku eegayay kooxdan oo u muqata kuwo lagu soo dhextuuray xasiloonida iyo daganaanshaha Somaliland balse waxaa iyagu dareen isku mida ka qaatay shacabka somailand iyo dawlada oo isku duuban halka si gara isha loogu hayo culimda salaada jimcaha ka aamusa maducan iyo xubno ganacsato ah iyagu lasheegay in xaga danbe ka taageerayaan kooxdan aaminsan dhamaan mabaadiida ka hor imanaya dgismaha iyo jiritaanka dawladnimo ee sheegay asaaduqul xaq.

sheekh barbaraawi

Dhinaca kale shacbiga ayaa farta ku goday masuuliyiinta wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland oo iyadu qaranka iyo ummadaba masuul uga ah amuuraha ay qaddiyadani la xidhiidho , waxaana ay rayul caamka bulshadu ay 24kii saacadood ee la soo dhaafay si wayn u hadal hayaan hoggaanka wasaaradan oo dabcan aan si taban iyo si togan toona uga hadal urur diimeedkan iyo saamaynta uu bulshada ku leeyahay.

SH, KHALIIL

Dhawaan ayay ahayd markii xubno sheegtay in ay taageersan yihiin ururdiimeed lagaga dhawaaqay dalalka Masar,Liibiya,Somaliya, Somaliland iyo wadamo kale oo ka mida dalalka Carabka iyo qaar Africaan ah kaasi oo lagu Magacaabo Asaadicuuna Bil Xaq sida ay sheegeena aaminsan mabaadii gabi ahaanba kasoo horjeeda dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo ah mid ku dhisan Diinta islaamka.