Hargeisa(GNN):-Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ergooyin isaga kala yimid Gobolada Somaliland oo ka socday Dallada Sama-Doon ee isbedel-doonka ah, Masuuliyiin ka socday Xisbiga UCID, DHalinyaro, Taageerayaal iyo Marti sharaf kale .
Waxaana ugu horayn Halkaasi ka hadlay Xubno ku hadlayay afka Dallada Isbedel-Doonka ah Ee Sama-doon, waxaanay ka warameen ujeedoyinkii ugu muhiimsanaa ee loo aasaaday Ururkan, iyagoo sheegay in Ururkan ay ku bahoobeen Dhalinyaro Aqoonyahan ah oo isbedel-doon ah .
Sidoo kale Waxay sheegeen in Dhalinyaradani ay ku midoobeen Mabda’a, kaas oo ah in dalka uu ka dhaco is beddel .
Dhalinyaradan ayaa Cod-dheer ku sheegay in ay dalka la rabaan is beddel togan, isla markaana ay go’aansadeen in ay ku biiraan Xisbiga UCID oo ay sheegeen in ay u arkeen In uu yahay Xisbiga Kaliya ee is beddel caafimaad qaba dalka ka dhalin-karaa .
Ugu danbeen Waxay halkaasi ka caddeeyeen in ay maanta wixii ka danbeeya ay cududdoodi ku biiriyeen Xisbiga UCID .
La Taliyaha Gudoomiyaha ee dhinaca Shareecada Sheekh Abu Sufyaan, Xog-hayaha Dhalinyarada C/casiis Xuseen ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen Dhalinyaradan isbedel-doonka ah .
Xafladaasi waxaa soo gunaanaday Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaanu bogaadiyay Dhalinyaradan, isagoo sheegay in Garabka Dhalinyarada Ee Xisbigaasi uu ku wareejin Doono Dalladda Sama-Doon ee Isbedel-doonka ah .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dalku u baahan-yahay Isbeddel, waxaanu ka warramay oo uu ku dheeraaday Xaaladda uu dalku ku suganyahay, Caqabadaha iyo duruufaha ku gadaaman, iyo sida looga bixi karo .
Ugu danbeen Xisbiga UCID iyo Dallada Sama-Doon ayaa kala saxeexday Heshiis, iyadoo xafladduna ay ku soo dhamaatay Jawwi Degen .