Daawo Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Wakhtiga La Naawilayo in La Furaaayo Dhoofkii Xoolaha Ee Sucuudiga 

Hargaysa(GNN)Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Cabdilaahi Cukuse ayaa waxaa uu ka hadley wakhtiga boqortooyada sucuudigu ay furi doonto dhoofkii xoolaha oo in muddo ah xidhnaa

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada Somaliland oo kaashaneysa Haaya’ado caalami ah iyo gacansatada dalkaasi geysa xoolaha ay suucidiga ku qanciyeen in ay dib u furaan dhoofkii xoolaha isla markaana dhawaan si dhakhso ah loo furi doono , sidoo kale wasiirka ayaa intaasi ku daray in baadhitaano lagu sameeyey xoolaheena caafimaadkooda isla markaana lagu guuleystay baadhitaanadaas.