“Umadani uma baahna masuuliyiin ka shaqaysta lakiin waxay u baahantahay
masuuliyiin u shaqeeya”.
Dawlada hoose ee hargeysa waxaa maayirkii ugu horeeyey ka noqday alle ha
naxariistee Aadan cumar Fure . Tani iyo xiligaa waxaa xilka iskaga danbeeyey
sedex iyo labaatan maayir oo dhamaantood ka soo wada qayb qaatay
horumarka iyo dhismaha dawlada hoose ee hargaysa si dadweynaha ku dhaqan
caasimadu u helaan adeegyada aas,aasiga ah ee ay ka mid yihiin , biyaha,
caafimaadka , waxbarashada , wadooyinka iyo qorshe u samaynta magaalada
mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
Hadaba waxaan maanta si kooban u dul istaagi doonaa dayaca wadooyinka
hargeysa iyo habacsanaanta dawlada hoose oo ay ka muuqato tamar daro iyo
hagrasho aan qiyaas lahayn oo ku gadaaman wadooyinka magaalada hargeysa
,gaar ahaan dariiqyada dhexmara xaafadaha iyo kuwa suuqa ka soo baxa
marka laga reebo laamayada waaweyn ee dhawaanahan ay qacanta ku hayeen
oo u muuqda kuwa aan wali dhamaystirnayn.
Si kastaba ha ahaatee wadooyinka magaaladu waxay noqdeen kuwa aad iyo aad
u burbursan oo lagu dhib mudanaayo maristooda iyaga oo godad iyo googo
badani ka muuqdo dushooda halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwa si fudud la
iskaga gooshikaro. Geesta kalena wadooyinka magaalada hargeysa dhexmaraa
malaha gacanada yar,yar ee laamayada hareerahooga mara ee lo yaqaan“
drainage system”kuwaasi oo wadooyinka tayadooda iyo waaritaankoogaba ka
qayb qaata ,sido kalana mararka ay roobabku da’ayaan biyaha ka leexiya in ay
dul maraan laamayada dushooda.
Magaalada hargeysa oo ah caasimada Somalilaan ayaa hadana bilicda
wadooyinkeega aad moodaysaa in ay ka sii liidato magaaliyinka waaweyn ee
gobalada qaarkood oo an marnaba la is bar,bardhigi Karin.hase yeshee somalidu
waxay tidhaa hal waliba meeshay ku dhashaa waa ayaan keed, tani waxay
cadayn u tahay mooganaanta dawlada hoose ee hargeysa in gabi ahaanba
indhaha ka qarsatay wadooyinka caasimada oo ay ku xeeranyihiin caqabado
badan oo mararka qaarkoodna kalifa in ay gawaadhidu si fudud iskugu dhacaan
halkaasina ay ka dhashaan khasaare galaafta naf iyo maalba. Walaw wada