Dayaca wadooyinka hargeysa iyo habacsanaanta dawlada hoose! W/Q: Axmednur Maxamuud Khalif

  • Umadani uma baahna masuuliyiin ka shaqaysta lakiin waxay u baahantahay
    masuuliyiin u shaqeeya.
    Dawlada hoose ee hargeysa waxaa maayirkii ugu horeeyey ka noqday alle ha
    naxariistee Aadan cumar Fure . Tani iyo xiligaa waxaa xilka iskaga danbeeyey
    sedex iyo labaatan maayir oo dhamaantood ka soo wada qayb qaatay
    horumarka iyo dhismaha dawlada hoose ee hargaysa si dadweynaha ku dhaqan
    caasimadu u helaan adeegyada aas,aasiga ah ee ay ka mid yihiin , biyaha,
    caafimaadka , waxbarashada , wadooyinka iyo qorshe u samaynta magaalada
    mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
    Hadaba waxaan maanta si kooban u dul istaagi doonaa dayaca wadooyinka
    hargeysa iyo habacsanaanta dawlada hoose oo ay ka muuqato tamar daro iyo
    hagrasho aan qiyaas lahayn oo ku gadaaman wadooyinka magaalada hargeysa
    ,gaar ahaan dariiqyada dhexmara xaafadaha iyo kuwa suuqa ka soo baxa
    marka laga reebo laamayada waaweyn ee dhawaanahan ay qacanta ku hayeen
    oo u muuqda kuwa aan wali dhamaystirnayn.
    Si kastaba ha ahaatee wadooyinka magaaladu waxay noqdeen kuwa aad iyo aad
    u burbursan oo lagu dhib mudanaayo maristooda iyaga oo godad iyo googo
    badani ka muuqdo dushooda halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwa si fudud la
    iskaga gooshikaro. Geesta kalena wadooyinka magaalada hargeysa dhexmaraa
    malaha gacanada yar,yar ee laamayada hareerahooga mara ee lo yaqaan
    drainage system”kuwaasi oo wadooyinka tayadooda iyo waaritaankoogaba ka
    qayb qaata ,sido kalana mararka ay roobabku da’ayaan biyaha ka leexiya in ay
    dul maraan laamayada dushooda.
    Magaalada hargeysa oo ah caasimada Somalilaan ayaa hadana bilicda
    wadooyinkeega aad moodaysaa in ay ka sii liidato magaaliyinka waaweyn ee
    gobalada qaarkood oo an marnaba la is bar,bardhigi Karin.hase yeshee somalidu
    waxay tidhaa hal waliba meeshay ku dhashaa waa ayaan keed, tani waxay
    cadayn u tahay mooganaanta dawlada hoose ee hargeysa in gabi ahaanba
    indhaha ka qarsatay wadooyinka caasimada oo ay ku xeeranyihiin caqabado
    badan oo mararka qaarkoodna kalifa in ay gawaadhidu si fudud iskugu dhacaan
    halkaasina ay ka dhashaan khasaare galaafta naf iyo maalba. Walaw wada
  • xumadu dhaanto wada la,aan hadana dawlada hoose waxay ku tahay ceeb iyo
    bar madaw oo aan ka gu,idoonin abidkood laguna xusuusan doono taariikhdood
    danbe.
    Guntii iyo Gunaadkii waxaan kula talin lahaa maamulka dawlada hoose ee
    hargeisa in ay la yimaadaan daacadnimo iyo la xisaabtan dhab ah si ay
    dadweynaha ku dhaqan caasimadu u helaan baahiyaha aas,aasiga ah ee ay u baahanyihiin