Deg Deg ]:- Weerar Xoogan Oo Lagu Qaadey Caasimada Dalka Faransiiska , Kooxda Daacish Oo Sheegatey Iyo Khasaaraha Ka Dhashey.

Caasimada Dalka Faransiiska ee Paris Askari boolis ah ayaa toogasho lagu dilay,
mid kalena waa lagu dhaawacay , sida ay sheegeen booliska Faransiisku. Wararkuna waxay intaa ku dareen in ninkii dableyda ahaa ee askarta toogtay isna markii dambe la dilay.
Waxaana la xidhay isla markiiba goobtii ay toogashadu ka dhacday

Weerarkan ayaa waxaa uu dhacay xili musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada dalku ay doodoodii ugu dambaysay ee Telefishanka ku dhex maraysay ka qayb galayeen ka hor maalinta codbixinta loo dareerayo oo ah Axadda soo socota.

Arimaha doodda ba’ani ka taagantahay ayaa waxa ka mid ah mitidnimada Islaamiyiinta, ka dib markii weerarro baaxad lahaa oo dalka ka dhacay ay sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamku.

Waxaana Weerarkan Xalay Dhacay sheegtay kooxda la magac baxdey dawlada Islaamga ah ee ISIS , waxaana ay sheegen in mid ka mid ah dagaalyahanadeedu weerarkan uu qaadey

Exit mobile version