DAAWO:Aas Qaran oo Loo sameeyay Fanaankii Caanka Ahaa Ee Rashiid Bullo Ibraahim Oo Maanta Hargaysa Ku Geeryooday.

Hargeisa(GNN):-Halkan Ka Akhriso Warkan. Alle ha u naxariistee waxa xalay xilli dambe ku geeryooday Magaalada Hargaysa isla-markaana maanta duhurkii lagu aasay fanaankii caanka ahaa ee Rashiid Bullo Ibraahim.

Rashiid Bullo Ibraahim waxa uu ahaa fannaan weyn oo muddo ka badan lixdan sanno ku jiray fanka Soomaaliyeed, wuxuuna  ku bilaabay fankiisa dhinaca muusiga Radio Hargeysa markii ingiriisku furay sanadihii afartameeyadii ,waxaana uu markii dambe noqday hoobal iyo abwaan curiya suugaanta.

Rashiid Bullo isirkiisu wuxu ahaa Hindi oo aabihii Balluu Ibraahim wuxu magaalada Saylac yimid 1886 wuxuunu guursaday haweenay Soomaali ah.

Waa abwaankii curiyay isla-markaana qaaday heesta Radio Hargeysa astaanta u ah ee ay hawada ku soo gasho kagana baxdo ee ” Halkani waa Hargaysoo Hirarka gaaban idin kala hadlaysee habeen wanaagsan”.

Allah ha u naxariisktee laxannada caanka ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ah kuwa lagu qaaday heesaha ay ka midka yihiin “Indho Deeralay”, “Madheedhaale iyo hawd”, “Waan daalee” oo ka mid ah heesaha ay qaadaan fannaaniinta haldoor ka ah ee Soomaalidu.

Rashiid Bullo wuxuu ka tirsanaa ilaa hadda shaqaalaha Radio Hargeysa gaar ahaana qolkan keydka hadalka ,halkaas oo uu isna ka shaqeeyo wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Rafiiq Rashiid Bullo.

Rashiid Bullo Ibraaahim oo maanta duhurkii lagu aasay Xaabalaha Baqiic ee Waqooyiga Magaalada Hargaysa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin dawlada ka tirsan, Bahda Fanka iyo Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo aan u kala hadhin.