GUDDIGA QABAN QAABADA XUSKA 18-KA MAY EE COLUMBUS, OHIO IYO HAREERAHEEDA OO FARIIMO MUHIIN AH U DIRAY JAALIYADDA HALKAAS DAGIN.

Jaaliyadda Reer Somaliland ee dagan agagaarka COLUMBUS, OHIO, iyo nawaaxigeeda in aan idiinku bushaarayno inaanu si wayn ugu diyaar garoobayno qaban-qaabaddii xuska maalinta sannad-guuraddii 26aad ee Somaliland kala soo noqotay isku-taggii labaddii dal ee la isku odhan jiray Soomaaliya. Sannadkan Sidaad ila socotaanba wadankiinii waxaa ka jira abaaro xun oo muddo 4 sanadoodba hayay, Siddaa daraadeed waxaan ugu tala galay in aad sanadka aynu sifiican ugu dabaal dagno maalinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dhinaca kalina aan qaadhaan ugu uruurino lacagta yar ee ka soo xaroota Meesha. Fanaaniinteena Qaranka, NUUR JAMA ADAN_NUURDAALACAY, iyo dhamaan fanaaniinta reer Columbus, waxay nala qaateen in ay waqtigooda ugu deeqaan dadkaa reer Somaliland ee dhibaataysa. Markaa waxaan idinka codsanaynaa in aad nagala soo qayb gashaan.

Waxaan kale oo aan idinka codsanaynaa inaad carruurtiina soo kaxaysaan si ay u bartaan dhaqanka iyo taariikhda Somaliland – iyagoo kana kasban doonna saaxiibo cusub. Waxaanu idinku dhiiri-galinaynaa inaad usoo xidhaan dharka dhaqanka Somaliland.

Ugu danbayntii haddii aanu nahay guddida Jaaliyadda Reer Somaliland ee COLUMBUS, OHIO, oo iskugu jiraa, gudi ka kooban dhamaan xisibiyada qaran Somaliland, waxaanu si wayn idiinka codsanyanaa inaad nagala qayb qaadataan qaban qaabada xafladan muhiimka ah – idinkoo naga caawin doonna:

 Gudiga oo ka kooban

1.      Gud. (Kulmiye) Guleed Aw Adan (Karkaar) Tel: 1-614-822-6636

2.      Gud. (UCID) Ali Yusuf Qalib Tel: 1-614-707-2617

3.      Gud. (Wadani) Aamiin Daahir Caynaashe Tel: 1-614260-1678

Wixii faah-faahin ah waxaad kala soo xidhiidhi Henry Awale Tel: 614-377-3232, maamulka xalfadda.

Allah Mahad Leh,

Gudida qaban qaabista 18-ka May ee Columbus, Ohio