GUDIDA JAALIYADA SOMALILAND EE DEGAN WASHINGTON, DC IYO AGAGAARKEEDA OO KA HADLAY QABAN QAABADA XUSKA 18-KA MAY.

Washington, DC Gudida jaaliyada Somaliland ee degan Washington iyo agagaarkeeda ayaa soo saaray qoraal ku saabsan udiyadagarawga xuska 18ka May oo ku wajahan jaaliyada Somaliland ee degan Washington iyo hareeraheeda.

Qoraalka oo ku saxeeanyahay guddoomiyaha Gudida Jaaliyada Somaliland ee Washingon iyo nawaaxigeeda, Jamal Yusuf Daroor, oo nuqul kamida soo gaadhay xafiiska…ayaa uqornaa sidan:-

Jaaliyadda Reer Somaliland ee dagan agagaarkaWashington, DC iyo nawaaxigeeda in aan idiinku bushaarayno inaanu si wayn ugu diyaar garoobayno qaban-qaabaddii xuska maalinta sannad-guuraddii 26aad ee Somaliland kala soo noqotay isku-taggii  labaddii dal ee la isku odhan jiray Soomaaliya. Sannadkan Sidaad ila socotaanba wadankiinii waxaa ka jira abaaro xun oo muddo 4 sanadoodba hayay, Siddaa daraadeed waxaan ugu tala galay in aad sanadka aynu sifiican ugu dabaal dagno maalinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dhinaca kalina aan qaadhaan ugu uruurino lacagta yar ee ka soo xaroota Meesha. Fanaaniinteena Qaranka, Nuurdaalay iyo Rooda Wacan na waxay nala qaateen in ay waqtigooda ugu deeqaan dadkaa reer Somaliland ee dhibaataysa. Markaa waxaan idinka codsanaynaa in aad nagala soo qayb gashaan.

Haddaba waxaanu jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool ag-agaarka Washington DC iyo goboladda ka agg dhowba inay ku dhiiri galinaynaa inay si wayn uga soo qayb galaan habeenkaas idinkoo tusaya baahida ay Somaliland u qabto inay aqoonsi heshon iyo idinkoo ogaada in aad wax ka tartay baahida abaaraha.

 Waxaan kale oo aan idinka codsanaynaa inaad carruurtiina soo kaxaysaan si ay u bartaan dhaqanka iyo taariikhda Somaliland – iyagoo kana kasban doonna saaxiibo cusub. Waxaanu idinku dhiiri-galinaynaa inaad usoo xidhaan dharka dhaqanka Somaliland.

Ugu danbayntii haddii aanu nahay guddida Jaaliyadda Reer Somaliland ee Washington DC waxaanu si wayn idiinka codsanyanaa inaad nagala qayb qaadataan qaban qaabada xafladan muhiimka ah – idinkoo naga caawin doonna:

·  Xagga qaban u diyaar garowga -sida dhalinyaro nagalla shaqaysa xaflada

·  Xagga dhaqaalaha qarashka ku baxaaya meesha 

·  Xagga taladda guud 

Wixii faah-faahin ah waxaad kala soo xidhiidhi kartaan maamulka Jaaliyada Somaliland ee Washington DC.

Allah Mahad Leh,

Gud. Jamal Yusuf Daroor