Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay.

Hargeisa(GNN):-kooxda kubada cagta ee magacooda loo yaqaano Waaberi foot ball club ayaa booqasho daaran dhiirigalin iyo abaal marin ku taggay xafiiska Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Mud. Sharmaake Axmed Muxumed Geelle iyagoo wada sheekaysi dheer kadib ku maamuusay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada shahaado sharaf ay sanadkiiba mar ku maamuusaan masuulka dhalinyarada ah ee ay u arkaan in uu si fiican u metelay magacii dhalinyarada Somaliland .

Haddaba, kulankan oo ay ka warbixiyeen dhalinyaradu ayey ku sheegeen in Gudoomiye Sharmake Geelle ku sifoobay astaamahan.

1 : Waa masuul dadka ama dhalinyarada uu wax ku noqday aan ka dhex bixin ilaa imika oo uu

yahay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

2 : Waa masuul ku adag balanta ilaaliyana cidu la balamay waana ta uu kaga duwan yahay masuliyin badan oo maanta xilal inoo haya 3 : Hayb iyo hagrasho midna ma yaqaan dhalinyaradu waa iskugu wada mid

4 : Waa masuul shaqeeya wakhti ka badan intii qaranku u igmaday oo leh hammi sare

5: Maaha dadka kibray markay qabteen xil ama noqdeen masuul wuxuu wali yahay sidii uu aha awlna haddii madaxda qaar looga bartay inay badalan numberkii uu sitay awalba ay ka guuran gurigii uu hore u gali jiray ay badalan gaadhigu watay awal caruurtiisa iyo gabadhiisa u iibiyo gawadhi qaarna uu deyrka dhigtaba intaba wuu ka duwan yahay sharmake

6 : hadaad telefon numberkiisa qaracdo xili walba waad helaysa masuul ama haldoor sharmake

 7 : Wuxu kugu qaabilaya qalbi furun iyo gacmo furunba waxana qiimayn karta cida ku booqatay xafiiskiisa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Waanu ugu hambalyeynayna sida wanaagsan ee uu u asiibay masuulka hawl karka ah ee dedaalka badan haybta iyo hagrashadana midna aan lahayn cadaaliga ah waad ku mahad san tahay magacabista mudane madaxweyne waanu ka sugaynaa shaqsiyadka oo kale inuu qalinkagu qabto Inzha allah Wabilahi tawfiiq