Horumarka Gobolka Gabiley Ka Hilaacay, Hirdanka Xisbiyada Siyaasada iyo Hagrashada Gobolnimo ee Uu Muddada Hiigsanayey.

Hiigsiga Iyo Horumarka Ayaa Ku Yimaada Marka La helo Himilooyin Hufan, Oo Ay Horseed Ka yihiin Haldoor Hawsha Loo Igmada Oo Si Hagar La’aan ah U hagga Bulshadiisa,

Gabiley oo Ah Dhul Beereed Aad U Baaxad Balaadhan Oo Ku Caana Falashada Beeraha Iyo Waxsoosaarka Dalag, Ayaa Ku Tilmaanayd Tan iyo Intii Lagu Soo Noqday Dalka Somaliland  Degmo Kasoo Mudh baxday Marka Lays Barbar Dhigo Degmooyinkii Kale ee la Midka ahaa,

Taas Oo Ay sabab u Ahaayeen dakhliga ku filan ee Kasoo baxa Gobolka iyo Dalaga Beeraha oo Bulshada deegaanku Lasoo  Bixi jireen,

Marxalad kasta iyo Maamulka kasta Oo Soo Maray Degmada gabiley Marwalba Waxay Ahayd Mid Hiigsiga iyo Himiladeedu ahayd Sidii hal mar Uun Ay u helilahayd Gobolnimo Si Sharciya Ay U hesho Iyadoo Laga Duulaayo Shuruudaha Gobol Looga Baahan yahay, Ilaa Haddase Taasi Ma Noqon mid Guusheeda uu Gaadho Shacabka Gabiley.

220px-Gabilay_farming

Imika Oo Aynu ku Jirno Sanadka 2017  Xaalada Guud ee Gobolka  Gabiley Waa Mid Laga Dareemayo in Ay ka Jiraan Talaabooyin Dhinaca horumarka Oo La Qaaday Taas Oo aaney Nasiib u helin Degmooyinka iyo Gobolada Kale Qaarkood,

Iskaashi iyo Wadajir Maamul Oo Ka Hirgalay Degmada Gabiley Waata Sababtay In Intaas Oo Mashaariico Horumarineed ahi Ka Hirgalaan Iyadoo  Ay Ku Amaanan Yihiin Xildhibaanada Golaha deegaanka Iyo Hogaamiyaha Da’ada Yar ee Mideeyey Aragtida Iyo Waxqabadka Golihii Bulshadu Dooratay,

Hadaba Hilaacaa Iyo Horumarkaa Gobolka Gabiley ka Tisqaaday Oo La Kowsaday Laydha Hirdanka Iyo Hayaanka Ay Xisbiyada Mucaaradka iyo muxaafidka  Somaliland ugu Jiraan inay Hantaan Kursiga dalka ugu Sareeya Oo Xisbiwalbaaba Dhinaciisa isku Qanciyey Inuu  Haysto Taageerada Shacbiyada Gobolka, Walina Ay Dabran Tahay Gobolnimo loo Ansixiyo Gabiley Muxuu yahay Qorshaha U yaala Umada Gobolka Ku Nool ee Laga hagaraday In Lalasimo Gobolada Kale ee Qaarkood ka Waxsoosaar Hooseeyaan,

Caqabada Hor yaala In Gobolnimo Gabiley Loo Ansixiyo Ayaa Lagu Sheegaa Inay Kow Ka Tahay In La Ansixiyo Xeerka Caasimada Somaliland iyo Qodobo Kale Oo Aan Loo Nisbayn Karin,

Waxaase  Hubaal Ah Marka Laga Yimaado Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Kuwii Ka Horeeyey Kuwa hagraday Hirgalinta iyo Ku Gorgortanka Gobolnimada Gabiley waa Xildhibaanadii Bulshada Gobolka gabiley usoo dooratay Golaha Sharci dajinta Inay Codkooda Ku matalaan, Kuwaas Oo Dameeri Dhaan raacday Noqday markii ay kuraasta fuuleen, mana jiro habayaraatee talaabo ah oo ay ka qaadeen arrintaasi, waana shaqsiyaadka ugu horeeya ee la odhan karo May Gudin Abaalkii Shacabkooda muddo 13 sano oo ay fadhiyeen golaha wakiilada.

Waxaase Laga Dhursugayaa Bal Asxaabta Siyaasada Iyo Xisbiga Ka Dhabeeya Himilada Shacabka Gabiley ee Gobolnimo.

La Soco Qormadan Qaybta Labaad Oo Aanu mid Mid Ugu Soo Qaadan Doono Horumarka Ka Hirgalay Gobolka Gabiley iyo Waxa Ka Qabyada Ah Haddii Alle Yidhaa Insha allah.

 

 

Hargeisa Somaliland

 

W/Q:-Haldoor cabdi Ismail