Hargeysa(GNN)-Madaxwaynaha Maamulka Somaliya Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta dalka Imaaraadka Carabta gaadho oo ay dawladaasi usoo dirtay.
Warar Geeska Africa helaya aya xaqiijinaya in madaxwaynaha maamulka Somaliya oo markii la doortayba dagaal siyaayaseed ku qaaday taasoo markhaati u ah safarkuu uu ku tagay dalka sacuudiga ,maanna wuxu u tagayaa inuu madaxda dalkaasi kala soo hadlo Dekeda Berbera iyo waliba Saldhiga Miateri ee Imaaraadka Carabta ay dawlada Somaliland kasiisay Berbera.
Lama oga jawaabta ay dawlada Imaaraadka Carabtu ka bixin doonto,laakiin wararka ayaa intaas ku daraya in dawlada Imaaraadka Carabtu madaxwayne Farmaajo ku wargelin doonto heshiis la filayo inay dhawaan la galaan madaxwaynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo ku saabsan dekeda Kismaayo.