Mushkiladaha Aan Tixraaca Lahayn…Qalinkii: Abdikadir Farah Afay

Iyadoo lagu jiro wakhti adag oo dalka badankiisa abaaro ka jiraan, ayaa hadana waxa Mudooyinkii ugu dambeeyey bulshada kusoo batay hadal-haynta iyo muranka arimo badan oo bulshada reer Somaliland ku Cusbaa dhegahooda, isla markaana ku wadaagayeen baraha Bulshada ee Internetka. Hadii aynu eegno dhacdooyin dhawra oo isbiirsaday dhawaan, waxay ahaayeen Kuwii loogu hadal haynta badnaa mudooyinkii ugu dambeeyey. Tiraba Toddoba dhacdo ayaa caan noqday dhawaan, waxaana hadal hayntooda lagu buun-buuniyey Baraha bulshadu ku kulanto ee Facebooku ugu horeeyo. Arinta fiirsashada u baahan ayaa ah in dhacdooyinkan ay garab socdeen Mooshino Xaasaasiya oo qaarkood baarlamaanku ansixiyeen, halka kuwo kale laga war sugayo ansixintooda. Mooshinadaasi ayaa waxa ugu waynaa kii lagu ansixiyey Saldhiga Milatari ee Berbera, waxaana lasoo dhigay sido

kale Mooshinada Bangiyada Casriga ah iyo Shidaal Baadhista.

1# Bandhiga Fashionka Raga Ee Hargeysa; dhacdadan waxay noqotay mid ku cusub Guud ahaan Somaliland, kadib markii inamo labisan ay Soo bandhigeen Fashion-ka dharka Raga, waxaana ka hadlay culuma u diin iyo dad badan oo siyaabo kala duwan u sifeeyey.

2# Nin Lagu Xidhay Magaciisa Oo Lamid Noqday ka Madaxwaynaha JSL: dhacdadan ayaa kamid ahayd kuwii loogu hadal haynta badnaa, waxaana la xidhay muwaadin reer Somaliland kadib markii uu magaciisu lamid noqday ka madaxwaynaha Jsl (Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo).

3# Niman lagu qabtay  Neef Bakhtiyey iyagoo haraga kala baxaya: isla bishii ina dhaftay ayaa maamulka DHH qabtay laba nin oo da’a ahaan ku dhawa  lixdan jiro, kuwaas oo nee bakhtiyey haraga kala baxayay si’ay u iib keenaan. Kiiskaasi Maqalkiisa waxaa inoogu dambaysay maalmahaasi.

4# Muranka Fanaaniinta Xidigaha Geeska: dhacdooyinkii  ugu hadal haynta iyo muranka badnaa bishii hore ayey  ahayd, taasoo Dhamaan Soomaalidu ku murmaysay.

5# Kiiskii Asma Coday: Arintan ayaa kamid ahaaa dhacdooyinkii ugu layaabka badnaa ee bulshadu ku faaqido baraha bulshada, isla markaana si kala duwan looga dooday.

6# Xadhiga Coldoon iyo Hadal hayntiisa: Waa dhacdooyinkii bar bilowga u ahaa murankii bulshada, waxaana dadka badankiisu si iskhilaafsan uga hadlayeen xadhiga wariye.

7# Kaariyoonayaasha Beerka iyo Kalyaha  Bini’aadamka Lagu Qabtay: Yaab iyo Baqdin kale, waxa sidoo kale isla bishii ina dhaaftay lagu soo bandhigay Barta Facebook, Muuqaal talaagado ay kujiraan Kelyo iyo beer, wallow aanan odhan Karin waxay ahaayeen kuwo Bini’aadam balse waxay qaybteeda kaqaadatay Murankii iyo Doodihii bulshadu kolba cayn u gorfaynaysay.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah, waa maxay arimahan kulmay xili wadanku kujiro badankiisu abaaro? Mee Doorkii Dawlada ee Ahayd Inay tallaabo ka qaado arimaha qaar? Ugu horayn dadkeenu waa dad odhaahda “Oral” rumaysta, fidiya isla markaana buunbuuniya, waana sababta warkastaa uga dhex duso bulshdeena. Ku darsoo arintan waxaa caawiyey Baraha Bulshada ee Facebooku madaxda u yahay.  Iyadoo go’aanada qaar u nidaam ahaan u baahan yihiin in faraha looga qaado Dawlada, balse waxaa muwaadin kasta tahay inuu iswaydiiyo tixraaca, cadaymaha iyo natiijada dhacdooyinka qaarkood. Waxaan Jeclaystay inaan si guud u waydiiyo bulshada reer Somaliland Halkay ku dambeeyeen Mawjadihii Muranka Iyo Mooshinadii Golaha Horyaalay ee Baryahan laysla dhexmarayey? Ma Jirtaa cadaymo laga hayaa Kiisaska qaar? Ma Odhan karnaa Badankoodu Tixraac Malahayn?

Ugu Dambayn bulshada waxaan tallo ahaan u soo jeedin lahaa inay Aakhiradooda u tudhaan oo ay iska daayaan wararka ‘Balafta ah’ ee sida Mawjadaha iskaga soo daba dhacaya, hubsadaana tixraaca, ujeeedka  iyo asalka warkasta.

Qalinkii: Abdikadir Farah Afay

Email: aqoon_korodhsi@live.com