Waa Kuma Mulkiilaha EX-Albarakaat, Q3aad Oo Xanbaarsan Dhaqaalah Uu Sanad Kasta Ka Macaasho Bulshada Somaliland.

Waa Kuma Mulkiilaha Ex-Albarakaat.Q3aad.

Waxaan Qaybteenan Saddexaad ku soo Qaadan Doonnaa Warbixino Ay shirkaddaha Sheekha laftoodu iska Qoreen kuna Qoreen Websiteka So. Wikipedia oo Arrimaha Shirkadaha Caalamka iyo Soomalida ka Faallooda,Waxaanan ka cadur daaranayaa inaan waayay Qaybta Shirkaddaha sheekha ee Putland Golis oo aanay ku jirin wax ku saabsdan laakiin waxaan halkan ku ogaan doonnaa shirkaddaha Hormuud iyo Telesom oo sannadihii 2o1o/12/13 wax laga Qoray Saamiga Maaliyadeed ee shirkaddahani ku shaqeeyaan iyo inta hantida inna jimcaale leegatahay iyo shirkaddaha uu soo kordhiyay xilligaa iyo Macaashka aan la Qiyaasi Karin ee Uu Mudaddaa helay Ganacsadahan Dhiig miiratada ahi,Taasi oo aanay jirin wax uu dib ugu celiyay dadkii wuu hantidan ka Macaashay balse badalkeedii uu Dhac badheedha u Gaystay Qaar ka mida kuwii Saamiga ama Aasaaska shirkaddaha Qaarkood kaga Hantida badnaa.waxaanay warbixinahaasi ku bilaabmeen sidan:

1)Shirkada Isgaadhsiinta Hormuud

Shirkada Isgaadhsiinta Hormuud Hormuud Telecom (Hortel) waa shirkad si gooni loo leeyahay taas oo la Aas’aasay Abriil 2002, iyadoo ay Xarunteeda dhexe ay tahay Muqdisho. In ka badan 600 qof oo soomaali ah ayaa wadaag ku leh shirkaddan Hormuud. shirkaddan waxey bixisaa adeegyada kala ah Taleefoonada fiilada iyo Mobeyl. Hormuud waxaa ka shaqeeya in ka badan 8000 oo shaqaale Soomaali ah, Xarumaha Hormuud ee Magaalada Muqdisho iyo gobollada kale.

shirkada waxa aas aasay laba Nin oo Lagu kala Magacaabo Eng Axmed sheekh Cali Samatar oo haatan ku Nool dalka ingiriiska magaaladiisa London & Ibarahim Shekh Mohamed (Afgoye) AUN waxa la aas aasay oo markaa Garab taagnaa Axmed Nuur CAli Jimcaale . shirkadu waxa ay kashaqeysaa magaalooyin waaweyn iyo tuulooyinka dhaca koonfurta,bariga iyo bartamah.

Waxaa Halkan ku Cad in Shirkaddan ay Jireen Labba Qof Oo Aasaastay Shirkaddan Hormuud sida Warbixintan oo S0.Wikipedia lagu Daabacay ay Hadalka u dhigayso Sheekh Axmed nuur Jimcaale Wuxuu ahaa Nin KU Garab Taagnaa marka ay Labbada nin Aaasaasayeen Taasi oo CADDAYN U AH Inuu Sheekhu Ahaa Ka Ugu Saamiga Yar Shirkaddan Hormuud,Waxayse iswaydiintu Tahay siduu Markii Danbe ku noqday ka ugu Saami Badan?Jawaabtu waa mid fudud Oo aad adiguba ka dhex heli karto warbixintan,Waxaa warbixinta lagu sheegay inuu Geeriyooday  mid ka mida Aasaasayaasha shirkaddu Sidaas Darteed Ganacsadahan Maafiyadda ahi ma Tix galiyo Cidda ay Saami Wada Leeyihiin Ee Geeriyooda Sidaas daraadeed Wuxuu u Qoondeeya Ehelada Mrxuunkaas Meesha ka Baxay Qadar yar oo Lacaga uuna ku sheego inay tahay Saamigii Marxuumkaasi Shirkadda ku Lahaa,

Sidaas ayuuna dhac ugu Gaystaa kii Aakhiro u Hoyday,Waxase uu ilowsan yahay in Xisaabtii ALLE sugayso Oo Aanay Jirin si Looga baxsan karo.

Ka kale Waxaan ku Ogaaday Warbixino ay ila wadaageen dad xogogaal ahi inuu Markii ay shirkaddu waa Hormuude ay Macaashtay lanna sugayay in SI siman loo Qaybsado Macaashka shirkaddu sameysay uu Saamigiisii loo Celiyay  Eng Axmed Sheekh Cali Samater Loona sheegay hadduu Hadal ka Keenno inay Maafiyada sheekhu Khaarajin Doonto Taasi oo Qasab ku Noqotay inuu Qaato Saamigiisa sida Quudhsigu iyo dhacu ka Muuqdo looga Gacan Maroojiyay Saamigii uu shirkadda ku lahaa ka dibna uu Qurbihiisii iskaga laabtay haatana uu ku Nool yahay London oo u marka horeba ka yimid si uu dalkiisa u maalgashado.

Tani waxay sheekha u sahashay inuu markale yaboohiyo saamilay uu ka dibna dhac u geysan doono Shaxda hoosena ka daalaco inta ay markii danbe ku maalgashadeen saamilayda cusubi.

 

 

Hormuud Telecom.
Hortel
Qaabka Shirkad gaar ah
Seylad Hortel
Agabka Isgaarsiin
Hadafka Gaarsiinta dhamaan soomaaliya
Horay loo gaaray Isgaarsiin casri ah.
Horay loo gaaray Mobil, Tel Guri
Lagu asaasay Muqdisho, Soomaaliya (Abriil 22, 2002)
Aas aasayaasha Axmed nuur Jimcaale
Xarunta guud Muqdisho, Soomaaliya
Tirada baraha 350 farac banki (2009)
Meelaha shaqada Muqdisho Somalia
Dadka haga Axmednuur Jimcaale
Wax soo saar GSM
Fixed line
Mobile banking
Shaqooyinka ·         Banking

·         Financing

·         Insurance

Dakhliga ·          $326,810,243 (2011)

·         $297,858,401 (2010)

Dakhliga soo gal ·          $185,967,452 (2011)

·         $189,110,282 (2010)

Faaiido ·          $47,698,713 (2011)

·         $57,119,020 (2010)

Dhaqaalaha maamulka ·          $1,127,284,951 (2011)

·         $1,001,882,176 (2010)

Dhaqaalaha ·          $981,357,912 (2011)

·         $1,070,557,019 (2010)

Saamiga maalgelyeyaasha ·          $924,801,752 (2011)

·         $772,543,189 (2010)

Dadka iska leh ·         Hormuud (51.5%)

·         Axmed nuur.

·         (20.5%) waxaa halkan ku Cad in Sheekh Axmed nuur Cali Jimcaale uu Shikaddihiisa Qaybta Muqdisho Soomaaliya uu Ku Leeyahay Saami Aan Boqolkiiba Kontan Gaadhin halka uu Telesom 70% inna jim.

·         aan kala goin (28%)

Shaqaalaha ·         1,520 (2011)

·         1,520 (2010)

Shirkado ka farcamay ·         Xawilaado.iyo shirkaddaha laydh iibinta Gaasta iyo Ganacsiga soo Dajinta Badeecadaha kala duwan.
  2)Telesom Telesom Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Shirkadda Telesom waxa la Aasaasay sannadkii 1999kii, waxana iska kaashaday saamiley ka badan 230 qof. Waxay shirkaddu rasmi ahaan u hawlgashay bishii November, 2001dii, Isla wakhtigaas Telesom waxa ay xarumo ka furatay gobolada iyo degmooyinka dalka, arrintaana waxa dardargeliyay adeegyo cusub oo ay shirkaddu ummadda iyo dalka u soo bandhigtay.

Waa shirkada ugu wayn ee dadka ugu badan isticmaalaan Somaliland gudaheeda

Adeegyada Shirkadda Telesom waxa uu gaadhay miyi iyo magaaloba. Shirkaddu waxay ka hawlgashaa in ka badan 30 magaalo oo waawaeyn iyo 100 tuulo oo ku baahsan dhammaan gobolada Somaliland ka kooban tahay.

Adeegyada guud ee ay Telesom ka hirgelisay dalka waa: Landline-ka (Fixed line), GSM-ka (Mobile), Internet-ka,Adeegga 3G oo casr ah iyo Adeegga ZAAD,Shirkadda laydhka Tec iyo Somgaas.

 

 

Telesom
200px
Qaabka Ganacsi gaar ah
Agabka Isgaarsiin
Lagu asaasay 2001
Xarunta guud HargeisaSomalia (somaliland)
Dadka haga C/kariin Maxamed Iid (Gudoomiyaha)
Wax soo saar Broadband, Mobile phone
Dakhliga ·          $187,101,456 (2012)

·         $197,248,661 (2011)

Dakhliga soo gal ·          $202,967,452 (2013)

·         $250,120,012 (2012)

Dadka iska leh ·         Telesom (70.0%)

·         Maxamed Xasan Ibraahim.

·         (10.5%)

·         Siyaasiyiin (20%)

Shaqaalaha ·         400 (2001)

·         2800 (2014)

Xarumaha Hargaysa

  • XARUNTA IDAACADA
  • XARUNTA SAFAARI
  • XARUNTA AXMED DHAGAX
  • XARUNTA AIRPORT
  • XARUNTA SH.NUUR
  • XARUNTA CALAAMADA
  • XARUNTA SAYLADA
  • XARUNTA M.MOOGE
  • XARUNTA SHACABKA
  • XARUNTA JIGJIGA YAR
  • XARUNTA TOTAL
  • XARUNTA B.KONTON
  • XARUNTA NEW HRG
  • XARUNTA JAAMACADA HRG

Adeegyo

  • Adeegyada Mobiilka
  • Adeegyada Internetka
  • Adeegyada Telefoonka.
  • Xawilaad/lacag dhigasho Banking.
  • Somgas shirkadda gaaska la shito
  • Sarifka lacagaha
  • Laydhkashirkadda Tec.

Shirakaddani ma tahay tu Qiimaysa Dadka Wax ku leh iyo Kuwa u soo kordhiya Fekradaha Ay ku shaqayso Kuwo Maamuusa oo Abaalmarino siisa Aynu in Yar hoos u eegno Maqaal uu Muwaadin shirkadan Ajaanibku leeyihiin ee DaLkiisa ka xoogsanaysaa uu U Arko wuxuu Qoraalkiisa ku Bilaabay:

# Shirkadda Telesom Ha Aqoonsato Dadka Abaalka Ku Leh.

Xamse Jirde Axmed

Shirkadda Telesom Ha Aqoonsato Dadka Abaalka Ku Leh Xamse Jirde Axmed

September 24, 2016.

inSShirkadu boqolkii qof ee u hereeyay ayaanay wali wax abaal marina  siinin boqolkii qof ee u horeyay ee mobilkooda qaataMarkii aanu waraysanay dadwaygaa aanu waraysanay oo boqolkaa qof  qof kamid ahi wuxuu noo sheegay  hadii uu ahaa

lahaa milkilayaasha telesom inuu yeeli lahaa boqolkaa qof oo shirkada saami kasiin lahaa shirkada qofka awood u leh isla markaana uu boqolkaa qof mobil kooda kadhigi laha bilaa lacag marka laga bilaabo gudoomiyaha shirkada .

Qodobka 3, shirkadu waxay ahayd kun kii qof ee u horeeyay inay latashato oo ay wixii fikrada kasoo qaadato kalana tashato  wixii fikir cusuba oo ay ku kordhin karaan shirkada

Qodobka 4, boqolkaa qof ee hore aanu u soo waraysanay ayaa inuu ahaa qofkii ku soo kordhiyay adeega zaadka fikir kadhinaa oo aad u mihiim ahaa  fikirkaa oo ah,  waxaa uu qaladaadku ka dhici jiray marka lacagta la diro kadib ayuu magaca qofka lacagta loo dirayaa uu soo bixi jiray mac miilkani oon kor ku soo xusnay waxaa uu shirkada kusoo kordhiyay in uu hubiyo inta aanu lacagta  dirin uu helo cida ama magaca.qofka ee uu u dirayay halkaa waxaa ka cad in uu shirkada ka furtay hawl aad u culus oo isqabsi badani kadhici jiray  oo ahayd taa lacag dirista  adeegaasi oo sahlay   in  aflagaado badan oo telefoonada k adhici jiray oo yaraaday iyo tuugo badan oo qofka lacagtu ku qaldanto uu kaadh kaba uu tuuri jiray intuu lacagta kala baxo  intaan lasoo saarin kaadhka aqoonsiga iyo  in aan lahayn jirin meel loo raaco ilaa shirkada loo tago,

Waxyaabahaa aanu soo sheegnay oo shirkada tacab badani kaga bixi lahaa ay u fududaysay inay horumar badan gaadho  Shirkada.Waxaan kula talin laha in ay abaal marinada iyo hadyadaha bixinayso in ay dadka kastamarka ah ee mudada badan u ahaa iyo dadweynaha  bil walba isticmaala beri baydhka ku hadalka dibad iyo gudaba inay siiso abaal marinta ay shirkadaha caalamku bixiyaan  in ay iyaduna bixiso.

La soco Qaybaha Danbe oo Xog Badan soo Gudbin doonta oo aynu ku eegi doonno ma saxbaa saami layda halkan diagramka shaxda inooga muuqatay ee aanay ku cadayn saamiga uu sheikh Axmed nuur Cali Jimcaale ku leeyahay shirkaddan Telesom.

Gabiley News Staff

W/Q:Naasir Meecaad.

Hargeysa/Somaliland