Waa Kuma Mulkiilaha “EX-ALBARAKAAT”(Telesom,Hormuud iyo Golis) Qaybta 4aad Xog Ururin Iyo Xaqiiq.

Waxaan Qaybtan AFraad Aan ku Fallanqayn Doonnaa Shaxdii Tilmaamaysay Dakhliga Shirkadaha Sheekha soo Gala midkood oo ah Shirkadda Telesom,Oo Aan Badi Kaga Hadli doonno Faa,iido iyo Khasaare Waxay Dalkan Somaliland Oo ay ka jirto shirkaddana ku soo Kordhisay.

Haddaan Eegno Jaantuskii Aan ka soo Xiganay Websiteka So. Wikipedia oo Shirkaddaha Ganacsiga ka Faallooda.Ayaa Waxaa Jaantuska Kaaga Muuqanaya in Gaf loo Gaystay Jiritaanka Qaranimada Somaliland

Oo ay shirkaddu ku sheegtay inay Somaliland tahay Qayb ka mida Soomaaliya waxaana Taas kuu Caddaynaysa sida ku Cad Jaantuskan oo marka la sheegayo halka ay shirkaddu ku Taalo waxaa Qoran Xarunta Guud Hargeysa Soomaaliya Halka Somaliland la galiyey Qows(Somaliland)Taasi oo ah inaanay Shirkaddani Telesom iyo Sheekha Mulkiyadiisa iska lihi Aaanay Somaliland u Aqoonsanayn Qaran ka Madaxbannaan wixii la isku Odhan Jiray Soomaaliya,Waana mid mudan in lagula xisaabtamo Danbigaas ay ka Galleen Qarankan ay ka dhex Shaqaystaan Ee Somaliland.

 

Waxaa kale oo Aad, Aad uga yaabaysaa Inaanay Jaantuskan Lagu Daabacay So.Wikipedia ee ay ka soo Qaateen Websiteka shirkadda ee Sitel,Ayaanay ku Caddayn Saamiga uu Leeyahay Axmed-nuur Cali Jimcaale. Oo Marka la sheegayo Saamiga Dadka iska leh Halkii Saamiga inna Jimcaale Lagu Qori lahaa Magaciisa Lagu yidhi Sidan:Dadka Iska leh Telesom 70%,Halka Marxuum Maxamed Xasan Ibraahin 10.5%lagu sheegay innuu leeyahay,Halka 20%lagu Sheegay inay Siyaasiyiin Leeyihiin Aan la inoo Caddayn ma Siyaasiyiinteenaa mise Waa kuwa Ay inna Jimcaale Meel ka soo Wada Jeedaan,Waxay Tani Caddayn u Tahay inaynaan Wax la Taaban karo Aanay inoogu Jirin Lahaan shaha Saamiga la kala leeyahay ee Shirkadda Telesom,Waana isla Arrintii Ay Madaxweyne Marxuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal Isku Seegeen Markii uu Kuwii Horboodayay u Soo Jeediyay inay Saamiga Wax U Qalma ku yeeshaan Maadaam ay tahay Cida laga Macaashayaa Dadkoodii Taasi Ayaan Muuqan Wax Laga Badelay,Laakiin Kaba sii dartay,Waana sobobta Mar walba Bulshada Looga Qariyo Saamiga Saxda ah ee Sheekh Axmed-nuur Cali Jimcaale ku Leeyahay.Car wataase Haddan Been Sheegayo Ha idiin soo Bandhigto Shirkaddu Saamiga Saxa EE Uu leeyahay Jimcaale.

ffggg

Waxaa iyaduna wax laga Xumaado ah inaan la Ogayn inta Ay shirkaddani Dalkan Somaliland ka Faa,iido

Waxaan Jaantuskii Hormuud ku Aragnay Inay ku Caddayd Faa,iidadu Waxaanse Qabaa inuu ahaa Faa,iidadii inaga la inaga Macaashay oo Hab Raad Gadasho ah Lagu sheegay inay tahay Faa,iido Xaga Hormuud laga Helay,Waxase iswaydiin leh Maxaa Jaantuska Telesom Loogu Sheegi Waayay Faa,iidada Taasi Miyaanay ka dhignay in wax la Qarinayo.

 

Waa Kuma Maxamed Xasan Ibraahin?.

Mar ay Saxaafaddu Tabinaysay Geerida Marxuumkaas oo Xanuun kadis ah oo ku soo Booday u Geeriyooday

16kii June 2015,Ayaa waxay ku sheegeen Cida uu ahaa Maxamed Xasan Waxaanay Qoraalkoodii u dhigeen Sidan:Posted on June 16, 2015 by tvsomalilandeurope.net in Uncategorized Comment

ddff

Hargeysa(Tvsle)- Marxuum Maxamed Xasan Ibraahin Alleh ha u naxarisiitee, waxaa uu Marxuumku ka mid ahaa madax-dhaqameedka Somaliland oo muddo dheer ka soo shaqeeyey illaalinta nabad galyada, isaga oo sida oo kalena ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka, waxaana uu kaalin mugleh ka soo qaatay hirgalinta hanaanka casriga ah ee ganacsiga Somaliland, isaga oo kana mid ahaa wakhti xaadirkan mas’uuliyiinta sar sare ee shirkada Telesom.

Marxuum Maxamed Xasan Ibraahim, waxaa kale oo uu ka mid ahaa culmida waaweyn ee dalka, isaga oo wax badan ka soo qeyb qaatay fidinta diinta Islaamka, waxa kale oo lagu xasuusan doonaa caawinta iyo u gargaarida dadka masaakiinta ah iyo ka qeyb qaadashada horumarka Somaliland,waxaanu ka mid ahaa Saamilayda Shirkadda Telesom ee Muwaadiniinta ah ka kaliya ee ay Saamiga uu ku lahaa ay Cadahay.

Telesom

Telesom
200px
Qaabka Ganacsi gaar ah
Agabka Isgaadhsiin
Lagu Aasaasay 2001
Xarunta guud HargeisaSomalia (somaliland)
Dadka haga C/kariin Maxamed Iid (Gudoomiyaha)
Wax soo saarka Broadband, Mobile phone
Dakhliga ·          $187,101,456 (2012)

·         $197,248,661 (2011)

Dakhliga soo gal ·          $202,967,452 (2013)

·         $250,120,012 (2012)

Dadka iska leh ·         Telesom (70.0%)

·         Maxamed Xasan Ibraahim.

·         (10.5%)

·         Siyaasiyiin (20%)

Shaqaalaha ·         400 (2001)

·         2800 (2014)

Website www.telesom.net

SOMALILANDTOMORROW.COM

UJEEDADA SHIR MUSTAFAYN AH OO XALAY SHIRKADDA TELESOM IYO HOGAANKA SOLJA ISKU HORFADHIISTEEN

February 6, 2015 – Written by admin

Hargeysa(SLT)Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa kulan dareeno kala duwan bixinaya Xalay la yeelatay Xubnaha hogaanka Ee Ururuka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA.

Kulanka labada dhinac oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ayaa la sheegay in shirkadu soo bandhigtay qorshayaal ay doonayso inay la kaashato SOLJA Si ay amaan buuxda uga hesho warbaahinta ONLINE Ka ah ee somaliland oo iyagu Intabadan baahiyay Wararka la xidhiidha ciladaha degdega ah ee Shirkadaasi ku yimaada iyo xogaha ay helaanba.

Telesom ayaa SOLJA Usoo bandhigtay inay ka shirkad ahaan diyaar utahay la shaqaynta ururka iyo ka qayb qaadashada dhinacyada Baahiyaha ururka Saxaafada ee Somaliland.
Masuuliyiinta shirkadaasi metelayay ayaa la sheegay inay SOLJA Ka codsadeen in lagala shaqeeyo sidii loo joojin lahaa wararka warbaahinta ONLINE Ka ahi baahiso siiba mareegaha ee ka dhanka ah shirkada iyagoo ku doodaya inay ku adeeganayaan shirkadaha kale ee loolanka ganacsi ka dhexeeyo.

Ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in XUUTO Gudomiyaha SOLJA isugu yeedhay shalay galab Gudida fulinta ee Ururka islamarkaana uu hagayay kulankan mustafaynta ah ee Telesom iyo Solja isku horfadhiisteen.

Somalilandtomorrow.Com/Hargeysa

Markii La Doortay Hogaanka Ururka Saxaafada Somaliland,Ayaa Waxay markiiba kala xidhiidhay Shirkada Telesom Sidii ay U Iibsan lahayd HoGaankan Sida ku Cad Warbixintaas oo aynu ka Soo Xiganay Somalilandtomorrow.Haddaba waxa ay iswaydiintu tahay Maxay U Laaluushtaa ulana gashaa Heshiisyada Saxaafada Qaybaheeda kala duwan oo uu ku jiro isla Ururka Saxafiyiintu ee Ay shirkaddani ka Baqaysaa in la kashifo?La soco Qaybta Shanaad oo aan kaga Hadli Doonno Heshiisyada ay Saxaafada la gasho………………………………………………

W/Q:C/naasir Guray Meecaad.

Hargeysa/Somaliland.