Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Markab India Leedahay Oo Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ilaalada ka ah xeebaha Soomaaliya iyagoo kamid ah ciidamo caalami ah ee ka hortagga burcad badeeda ayaa sheegay gelinkii dambe ee maanta in markab laga leeyahay dalka Hindiya ee la afduubtay uu ku sugan yahay meel ku dhow magaalada dekeda leh ee Hobyo.

 

Markab ka diiwaangashan dalka Hindiya oo labo maalmood kahor ay soo afduubteen burcad badeed Soomaali ah ayaa ciidamada Midowga Yurub markii ugu horeysay ka hadleen waxana uu markabaasi ku sugan yahay meelo ku dhow halkii ugu xooganayd ee maraakiibta lagu afduubanayay sanadkii 2011.

“Kormeer ay sameeysay mid kamid ah diyaaradaha ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa lagu soo ogaaday in markab laga leeyahay Hindiya ee la afduubtay uu ku sugan yahay meel ku dhow dekeda Hobyo xiriir isgaarsiineed oo aan isku daynay in aan la sameyno ayaa suurtogal noqon waayay,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray shabakada ciidamada Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa intaa ku daray inay socdaan howlgalo iyo baaritaano sidii loo soo badbaadin lahaa markabkan. Markabkan ayaa waxaa saaran 11 shaqaale ah waxaana markabkan ganacsi uu ku sii jeeday dekeda Boosaaso ee dalka Soomaaliya sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.