Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Maanta La Hor Keenay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Ee Hargeysa

Hargeisa(GNN):-Waxa maanta si rasmi ah uga furantay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa dacwaddii Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo ku dhow laba bilood ku xidhan jeelka wayn ee magaalada Hargeysa.

Xeer ilaainta somaliland ayaa wariye Coldoon ku eedaysay qodobo ay ka mid ahaayeen inuu taageeray madaxweye Farmaajaha dalka somaliya.

Xeer ilaalintu waxa kale oo ay weriyaha maanta kusoo oogtay eedo ay kamid ahaayeen inuu ku dhawaaqay midnimada Soomaaliya iyo in uu aflagaadeeyay madaxda qaranka Somaliland.

Sidoo kale, waxa ay xeer ilaalintu weriyaha ku eedaynaysay qoraallo uu soo dhigay bartiisa Facebook iyo muuqaallo ay sheegeen inay kala baxeen Computerkiisa iyo Mobilekiisa, kaddib markii la xidhay. Waxaana goobta laga shiday muuqaallo uu Coldoon ku duubay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho sida Daljirka Dahsoon.

Dhinaca kale, Weriye Coldoon oo meesha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanu qabin dhammaan eedaha loo soo jeediyay.

Ugu dambeyntii, Dacwadda Weriye Coldoon oo ahayd mid wakhti badan qaadatay isla markaana ay kasoo qayb-galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxa loo ballamay in maalinka barri ah dib la iskuugu soo noqdo si dacwadda inta dhiman loo sii ambaqaaado. Iyadoo la filaayo in barri ay qareennada weriye Coldoon u doodaya ka difaaci doonaan eedaha loo soo jeediyay.

 

 

Exit mobile version