Hargeysa(GNN)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Dekedaha Somaliya ee dawladii Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana dhalasho ahaan kasoo jeeday Somaliland Nuur Faarax Xirsi ayaa xalay xilli danbe la sheegay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Gabagabadiina Ex Wasiir Nuur Faarax Xirsi ayaa ahaa hogaamiyihii urur siyaasadeedkii Gurmad ee ka qayb galayey doorashooyinkii 2012 kaas oo ururkiisu kamid ahaa ururadii ka hadhay doorashada,intaasi ka dibna ka dagay magaalada Muqdisho loona magaacabay wasiirka Dekedaha Somaliya.