Hargeisa(GNN):-Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti Swedeish ah oo dalka u yimi inay soo indha-indheeyaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.
Waftigan uu hoggaaminaayey Xil. Magnus Oscorsson oo ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden iyo Mikael Tortosan oo u ololeeya qadiyada madaxbannaanida Somaliland iyo xubin ka tirsan hay’ada SIDA ee dalka Sweden u qaabilsan caawimooyinka dibada, ayaa sidoo kalena waxa wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya dalka Sweden Amb Sakariye Xasan Wacays.
Waftigan ayaa Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland kala hadlay arrimaha mucaawinooyinka ee uu dalka Sweden siiyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dawladood ee Sweden iyo Somaliland.
Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa waftiga uga mahad celiyay imaanshaha ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu warbixin ka siiyey xaaladda abaarta adag ee dalka ka taagan iyo gurmadka samato bixinta ah ee socda.
Waftigan ayaa dalka ku sugnaan doona dhawr maalmood si ay usoo kormeeraan qaar ka mida deegaamada ay ka jirto abaarta baahsan ee dalka ka jira.