Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Uga Hadashay Colaada ay Abaabulayaan  Baarlamaan Ku sheega Maamulka Somaliya

Dr Sacad ayaa mooshinkaasi ku tilmaamay xad gudub ay Somaliya kusoo xad gudubtay arrimaha gudaha Somaliland,waxaana uu fariin adag u direy xukuumadda Xamar,isaga oo uga digay in ay ka hadlaan arrimaha u gaarka u ah dawlada Somalilnd.Wasiir Sacad waxa uu Somaliya xasuusiyey inay Somaliland iyo Somaliya ay yihiin laba dal oo kala madax banaan iyo wakhtigii ay dawlada Somaliland dib ula soo noqotay Xoriyadeedii,waxaana wasiirka oo ka hadlaya arrimahaasi uu yidhi sida tan

“Somaliland waa dal madax banaan oo xoriyadeeda lasoo noqotay sanadkii 1991,Somaliland sida ay xuduuda ula leedahay Itoobiya iyo Jabuutti ayaa Somaliyana ay xuduudu inooga dhaxaysaa ,Somaliland dastuur iyo Xeerar ay isku maamusho ayey leedahay,Cidina marti ugama nihin arrimaheena,mooshinka aad sheegtayee Baarlamaanka Somaliya loo gudbiyeyna waa mid aan ina Khuseyn,Heshiisyada aynu dawladaha Caalamka la galayno waa mid inaga inoo  gaar ah arrintan saldhiga Milateri ee Berbera ee ay ka hadlayaan waa mid aan iyaga Khuseyn,waxaan odhan lahaa waxay xaafadi xaafad kale ugu wareegtaa waa xasarad,markaa dawlada aynu jaarka nahay ee Somaliya waxaan uga digayaa inay faro galin ku sameeyaan arrimaha gudaha Somaliland,waxaynu  isku leenahay Ixtiraam,Baarlamaanka Somaliland sida aanu uga hadli Karin arrimaha gudaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaanay iyaguna uga hadli Karin arrimaha gudaha ee dalkeena”Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Dhanka kalena fadhigii ay shalay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa lagaga hadlay ajandayaal dhawr ah,waxaana la akhriyey mooshin ay soo diyaariyeen ilaa 20 xildhibaan ,kaas oo ka dhan ah heshiiska Saldhiga Milateri ee Berbera laga bixiyey ee laga siiyey Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada ayaa loo qaybiyey mooshinka iyada lagu sheegay in heshiiskii Saldhiga Milateri ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu uu yahay mid dhaawacyo badan u gaysanaya waxa ay ku sheegeen qaranimada Somaliya,waxaana gudoonka Baarlamaanku ay dib u dhigeen ka doodida heshiiskan iyaga oo ku sheegay in laga doodi doono kulamada soo socda.

Exit mobile version