Wararka aan saaka ka helayno magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxay sheegayaan in ciidamada qaranka Somaliland ay ku ruqaansadeen deegaano ka tirsan gobolka Buuhoodle oo ay ka taagan tahay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ay wado maamulka Puntland.
Sidoo kalena magaalada Buuhoodle oo wakhti xaadirkan ay ka jirto xaalad adag oo isla markaana ay boqolaal qof waadhadhka goobaha caafimaad ee Buuhoodle ay u jiifaan xanuunka Shuban Biyoodka oo soo ritey dadkaasi ayaa waxa hadana loolan adag oo siyaasadeed oo ku dhex marayaa Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” iyo madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland Mr Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji CUmar “camey” kuwaas oo dhaq-dhaqaaqooda siyaasadeed laga dareemayo.
Dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed ee ka socda Buuhoodle una dhaxeeya dawlada Somaliland iyo maamulka Puntland Ayaan lagaranayn halka uu sal dhigan doono,iyaga oo maamulka Puntland-na mudooyinkii u danbeeyey ay faragalin ku hayeen deegaanada Somaliland ee gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,waxaana laga cabsi qabaa in dagaal Buuhoodle ku dhex maro ciidamada Qaranka Somaliland ee iyagu difaacanaya xuduudaha Dhulkooda iyo ciidamada la socda madaxwayne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland ee ku sugan Buuhoodle.