Deg-Deg-Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumada Farmaajo Oo Goordhawayd lagu Dilay Nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Muqdisho(GNN):-Waxaa goordhaw agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu dilay Wasiir katirsanaa xukuumada Federaalka Soomaaliya sidoo kale kamid ahaa Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo.

Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka la dilay oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa lagu magacabaa Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya .

Wasiirka ayaa la sheegay in ay dileen ilaalo la socotay gaari nuuca loo yaqaan Hilux uu la socday masuul katirsan dowlada Soomaaliya , Wasiirka ayaa xiliga la dilayay watay Gaari Prado ah oo daba socday gaariga dilka ka dambeeyay

Dad ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ilaalada gaariga hubeesan ay rasaas ku fureen gaariga uu la socday Wasiirka oo ka agdhawaaday, waxaana wasiirka haleeshay rasaastii lagu furay gaarigiisa.

Dilkan oo goordhaw dhacay ayaan wali waxaan ka hadlin laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iyo Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu katirsanaa Wasiirka la dilay, waxaan durba la sheegay in uu bilowday baaritaan ku aadan dilkan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah