Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbigga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa safar ku tagey dalka Imaaraadka Carabta waxay kulamo la qaateen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Imaaraadka Carabta iyo gudoomiyaha shirkada Bin Ham group of Companies.
Waxa uu kulan dhex maray masuuliyiinta iyo gudoomiyaha shirkadaasi,xubno Baarlamaanka Imaaraad Carabta ka tirsan iyo hogaanka WADDANI ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi Cali Xasan ay masuuliyiintan uga warbixiyeen xaaladda uu dalku marayo,abaaraha ka jira Somaliland,horumarka ganacsi ee dalku ku talaabsaday iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.