Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Iyo Qaadhaan Bixiyayaasha Beesha Caalamka Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

Guddiga komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo dawladaha  inaga caawiya dhinaca doorashooyinka ee loo yaqaano Donor Working Group ayaa magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen Qaabkii ay u dhacday qaybinta Kaadhadha Codbixintu ee gobolada Awdal,Saaxil iyo xeebaha Sanaag.

Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Qaranka Maxamuud Wacays ayaa warbixin hawshaas Kaadh qaybinta iyo siday u qabsoontay ka siiyey Kooxaha ka taageera Komishanka Doorashooyinka dhanka dhaqaalaha ee loo yaqaano Donor Working Group  oo ka kala socday  EU, FCO UK Denmark Danida ,Interpeace iyo Creative,Sidoo kalena waxay komishanka Doorashooyinku ka warbixiyeen sidii hufnayd ee kaadh qaybintu u dhacday iyo horumarka laga gaadhay goboladaas.

Sidoo kalena wafuudan ka socday dalalka Dhanka dhaqaalaha Doorashooyinka Somaliland ka taageera ayaa waxa ay su’aalo la xidhiidha qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo sida ay u qorsheeyeen waxay wax ka waydiiyeen guddigan iyaga oo dhankaasna labada dhinacba warbixino kala gudbistay is afgaradna ka gaadhay.

Hawshan Kaadh qaybinta ayaa ah mid loogu diyaar garoobayo Doorashada madaxtoooyada  Somaliland oo ku suntay inay dhacdo 13 November 2017-ka.

Xubnihii kasoo qayb galay ee ka socday Donor Working Group ayaa aad usoo dhaweeyey sida ay hawsha Komishanka Doorashooyinku u qabteen  kuna hambalyeeyey waxqabadkooda,waxayna sheegeen inay Komishanka Qaranka Somaliland gacan ku siinayaan sida ay hawsha u wadaan.

Log11