Daawo-Maamulka Iyo Macalimiinta Macadka Daarul Reexaan Ayaa Iska Difaacay Eedo Loosoo Jeediyay Dugsigaasi

Hargeisa(GNN):-Maamulka macadka Daarul-Reexaan ayaa iska dufaacay eedo loosoo jeediyay eedahaasi oo sheegaya in dhibaato loogu gaysan jiray ardayda wax ka barata macaahidka boodhinka ah ee daarul reexaan.

Maamulka ayaa sidaasi ku sheegay mar ay shalay warbaahinta la hadlayeen waxaanay maamulku dul istaageen in ardayda la bari jiray arimaha diinta iyo dhaqanka

Waxaana ay Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsigu Intaasi Ku Dareen In Ay Qaladweyn U Arkayeen Talaabadii Been Abuurka Ahayd Ee Wax Lagaga Sheegayey iskuulan Hablaha Qurbaha laga Soo Dhaqan Celiyo Wax Lagu bari Jiray.

Hoodo C/laahi oo ku hadlaysay afka maamulka macadka boodhinka ah ee Daarul Reexaan ayaa waxay tidhi: “Schoolka Daarul Reexaan Waxaa lafuray 12-15-2015 taas oo loofuray in hablaha islaanka ah lagu baro diinta islaamka waxaana uu ka sharciyaysnaa dugsani wasaarada diinta iyo cuqaafta oo ay ka war hayeen waxbarashada uu dhigo dugsigu waxaanan halkan ka cadaynayaa in aanu dugsigu sharcidaro aanu ku dhisnayn ee waxaana dugsiga lagudhiganayay kalaamka ilaahay ardayda dhiganaysayna wax dhib ah oo loogaysayn jirayna majirin anaga oo ku hadlaya maamulka schoolka wax dhibiina kamay san dhicin intii aanu joognay dugsigaasi Waxaan kale oo halkan ka cadaynayaa in aanay jirin wax rag ah oo na soo dhexgali jiray waxa hablaha wax u dhigaayay waa dumar waxa ilaalinaayayna dumar ahay ahayd raguna in ay albaabka ka soo galaan madmuuc ayay ka hayd qof waalidkiisa la ga soo afduubayna ma jirin qofwalbaaba isaga oo xor ah ayuu ilmihiisa keenay wax jidhdil ah oo loo gaystayna ma jiro ardaydayaasi”

Dhanka kale waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay Saynab Axmed Dirid oo Kamid Ah ardaydii dhiganaysay macadka Daarul Reexaan waxaanay faa’faahin ka bixisay qaabkii wax loogu dhigi jiray dugsigaasi

tghyjkjuuesssww kjuuhhttfreee ffrrgghhyy fffeeeww dddffgggh

Saynab Axmed Dirid Waxaanay Hadalkeeda ku bilawday: “Anigu waxa aan ka mid ahaa ardaydii macaahidkan Daarul Reexaan dhigan jirtay waxaanan ka soo hadhay ardaydii boodhinka ku jirtay walina kumaan arag wax dhibaato ah waxaanan ku dhigan jirnay diinta islaamka ardaybadan oo aan diinta fahansanayn ayaa ku fahantay intii ay halkani ku jireen waana qalad in dugsiga laga been abuuro oo la yidhaa waxbaa lagu dilaa waxbaa lagu xidhaa waxa meesha dhigan jirayna wada dumar ayay ahaayeen haday macalaa macalimiinta noqoto”
Halkan Ka Daawo Muuqaalka.

Dhanka kale waxaa iyaduna halkani ka hadashay Sahra C/laahi Xuseen Oo kamid ahayd hooyooyinkii ay u mad koodu ay u dhigan jireen waxaanay hadal keeda ku bilawday: “Aniga oo kamid ah waalidiinta ay caruurtoodu dhigato daarul-Reexaan  wax dhib ah oo aanu ku qabnayna ma aysan jirin dilmo loo gaysanjirayna ma jirin wax aanu ka faa’idno mooyaane wax khasaare oo aanu ku aragnay ma jirin jimce walbana waa aanu soo booqan jirnay oo waanu la kulmi jirnay caruurtayada”