Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Shacabka Somaliland Ugu Hanbalyeey Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Hargeisa(GNN):-Halka Ka Daawo-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Shacabka Somaliland Ugu Hanbalyeey Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ku hadlaya Magaciisa, ka Xukuumadda iyo kan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shucuubta Islaamka guud ahaan iyo shacbiga Somaliland gaar ahaan, isagoo ku tahniyadaynaya bilashada bisha barakaysan ee RAMADAAN, kuna beegan hijriyada 01-Ramadan 1438, halka ay milaadiga ka tahay 27-05-2017.
Madaxweynuhu waxa uu bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay uga baryayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaataan farxadan qaaliga ah ee bisha Ramadaan, waxaan Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu jannooyinkiisa ku waaran.
Bisha Ramadaan waa bil weyn oo mucjisooyinka ALLE ka mid ah, Waa bil cibaado. Waa bishii Qur’aanka Kariimka ahi soo degey. Waxa ku jirta Ramadaan duruus tiro badan. Ajriga soomkeeda laga helo ka sokow, waxa laga bartaa: samirka, go’aan qaadashada, isu-damqashada, iyo waxyaalo kale oo wanaag ah oo tiro badan.
Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in fadliga bisha ramadaan awgeed la isu naxariisto oo laga qayb qaato taakulaynta dadkii abaaraha ku caydhoobay oo maanta iyaga ay u soo gashay bisha ramadaan iyagoo caydh ah oo qaar ka mid ahi ay faro madhan ka joogaan xoolohoodii, kana hayaamay degaamadoodi, inoogana baahan in aynu gacan ka geysano wixii aynu tarikarno .
ALLAA MAHAD LEH