Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo Ayaa Maanta Salaadii Jimce La Tukaday Dadweynaha Reer Berbera  

Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Bebera ayaa salaadii jimce masaajidka weyn ee gobolka laguna magacaabo Khaalid Bini-walid kula tukaday dadweynaha reer Berbera. Imaamka Masaajidka ayaa Alle uga baryey inuu cimriga u dheereyo madaxeynaha iyo xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mida shacabkii masaajidka kula tukanayey markii salaada laga baxay. Madaxweynaha ayaa mar kasta oo uu u baxo gobolada dalka salaada jimce kula tukada hadba gobolka uu socdaalka ku marayo.