Sadexanka isku lamaan iyo silicay ina badeen.Waa Qalinkii Ayaanle Boobe Yuusuf

Waa danaysi joogto ah oo aan cidna loo aabo yeelayn, maatidan iyo bulshadan dayacan aan dan iyo muraad laga lahayn oo ninkastaa u ordayo danihiisa gaarka ah iyo siduu kursiga ku fuuli lahaa,waa daacad markuu cod ka rabo bulshada wax kasta oo la yidha siduu ugu dhago nugul yahay ayaad ka yaabaysaa,laakiin maalinkuu dantiisa gaadho kiiba maaha qof abaal u soo galay iyo mid kalaba waa isugu mid,waxuu shalay markuu baahnaa ku hadlay maanta sidii uguma hadlayo waxuu xaraan ku  tilmaamayay ayaa maanta xalaaloobay ninkuu tuuga ku tilmaamayay ayaa maanta geesiya,waa sadex xisbi oo iyagu isu muuqda balse iloobay dadkii iyo umadii halkan ay ku faanayaan gaadhsiisay waa xilma dhaad hadana inuu wax xeerinayo isu haysta waa weerar iyo weerar celis af ku baxaya oon ku dhisnyn mabda iyo go’aan wax u taraya umadani uu kolba doc ka dooxaayo,bulshaduu la hadlayaa waa bulsho doonistooda iyo diid ma dooduba aragti fog ku dhisnayn balse markasta lagu dago ama gol jilicdoodu noqotay is qaraabaysi reernimo iyo kumaa I xiga barina doonaya horumar iyo wax qabad dalku yeesho.

Aan is baraxo una soo dego halka ay diiradaydu hayso iyo waxuu daaran yahay qoraal kaygani,akhriste ama muwaadin maanta baran mayno markuu nin kursi doonaya inuu fuulo shacabkana cod ka doonayo daariiqyada uu u soo maro bulshadani  tabaalaysan ee hantidooda iyo aayahooda u soo findhicilanayo siduu ugu hubsan lahaa gaws danbeedkiisa,waxaa taas ku lamaan oo iyaduna la mataano ah bulshadan ama shacabkani kay siinayaan cod inay ku soo xushaan xulafaysi qabiil xakamaha u hayo waa laba fakir oo marka hore doorte iyo la doortaba ku midaysan yihiin balse halka danbe lagu kala guuro.waa dhibta iyo aafada  maanta dalkayna soomaaliland halkay dhigtay ognahay waa dhibta maanta ina dhaxalsiisay in umadii shacabka soomaaliland oo gaajada iyo luulku kala gooyay inta la yidhaa gudibaa la sameeyay heer qarana oo malyuumaad kolba shaashadaha laynaga tuso hadana meel ay ku dhacayso aan la garanayn,waa dhibta maanta keentay in mushahar lagu qaato caawimada la caawinayo umad geeri iyo nolol wada sugaya, gudi heer qaran oo loo saaray taakuulada  iyo caawimada umadaa abaaruhu danbaska ka dhigeen oo meel lagula xisaabtamo iyo cid la xisaabtanta aanan garanayn waliba ku darsaday inay mushahar isu qoraan,ma waxaad aragtay wasiiro iyo xildhibaano tvyada la soo istaagaya meel heblaayo oo abaari ka jirto ayaanu caawimo gaadhsinay gaawaadhida ay wataan V8  aan ka yarayn sodomeeyo mid kastaa kharaskiisa qabo may dalxiis tageen mise tamashlayn dal  barasho ayay ka tahay mee kii umadani waxeedii iyo xaqeedii usoo dhicin lahaa? Meel fog majirto jawaabtaasi waa xildhibaanada gole baarlamaan ama gole deegaan ha noqdeene ee aynu ku dooranay qaraabo hiil abaalkeediina noqday maalintay muwaadin kuugu darnayd kaad dooratay inuu  fursad u helo  macaash hantiyeed oo ahayd hantidaad xaqa u lahayd,miyaanay barasho inoogu filnayn dhaxalka aynu ka dhaxalnay qabiil iyo reernimo  aynu wax ku doorano,miyaynaan ahayn bulsho wax korodhsata hadba waxa soo mara miyaanay ayaan daro ahayn dhibtii aynu shalay soo marnay inaynu inakoo kas iyo maan u wada arkayno inagu soo noq noqoto,miyaynaan ciil iyo farta oo dhexda ka qaniino ka korayn.

Abaarta ilaahay ayaa keena ilaahay baanan ka baryaynaa inuu inaga qaadoo oo inoogu wado nimcada roobka ee inoo curtay balse ibtilada inagu habsatay noqotay kii u gurman lahaa bulshadaa tabaalaysan ka baayac mushtareeyo caawimada loogu gar gaarayo shacabka abaartu heeshay,umada labada xaaladood ee dhibtooda lihi haystaan loogu sadexeeyay sicir barar dawladii wadankani hogaaminaysay shaashadaha la soo fadhiisato inayna waxba ka qaban Karin sicir bararka isaguna noqday gacanta sadexanka ah ee silica  ku sii kordhinaysa umad quustu ku sii gaylamayso,soo adhax jab maaha inay 18 may oo ah maalintii qarankani dhidibada loo taagay oo intaasoo  sano ku taamaynay inaynu wax qabsanay in 18may inoogu soo gashano hooyooyin iyo gabankay dhashay nolosha ka quusteen intaasoo sano waxaynu dhiig iyo dheecanba u soo shubnay inaynu maantana halkii taaganahay uun.

Waxaa iga gunaanada waata halkaas ina dhigtay ayaan darada aynu reero iyo wax ka sii liita isu dooranayno dhaxalkeedii,aan ogaano mid aan waxba habeen tarin qarankan iyo umadan oo inuu maalqabeen ku noqdo dheecanka umadani inaynu ku soo saarno kanaa dad iigu dhaw car waa kee qofka sheegi kara ninkuu doortay oo wax taray,hadaynu xaalkan ku sii jirno.

Dharaarbaa iman doonta

Hadaan eebahay cayimin

Afku uu hadal daayo.

 

 

Qalinkii AYAANLE BOOBE YUUSUF

17/05/2017

aboobe@hotmail.com