War Deg Deg: Diyaarad Ku Burburtay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Moqadisho

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku bur burtay Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft, oo ah Shirkad qaabilsan la talinta howlaha amaanka iyo tababarada Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Diyaarada ayaa ku guul dareesatay in ay si caadi ah usoo degto garoonka , waxa ayna mudo daqiiqado ah ku dul heehaabeysay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona kusoo wargalisay maamulka garoonka in cilad ay jirto.

Garoonka Diyaaradaha ayaa lagu diyaariyay gaadiidka dab damiska iyo kooxaha gurmadka si ay ula tacaalaan Diyaaradan hadii ay soo dhacdo, waxaana Diyaarada mudo kadib lagu amray in ay isku daydo in garoonka kasoo degto.

Diyaaradan oo la sheegay markii ay garoonka ka duushay ay dareenay cilad ayna u bixi waayeen lugaha ayaa markii ay soo degtay ku bur burtay dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan, waxaana Diyaarada qeybo kamid ah gaar ahaan baalasha kasoo gaaray bur bur xoogan.

Garoonka ayaa hakad ku yimid diyaaradihii ka duuli lahaa iyo kuwii kasoo degi lahaa, waxaana diyaarada ay ku bur burtay Run-wayga ay diyaaradah ku ordaan markii ay duulayaan iyo marka ay soo degayaan.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Diyaarada ay la socdeen saraakiil ajaaniib ah, mana jirto ilaa hada wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay bur burka soo gaaray diyaarada ay leedahay shirkadda Bancroft oo xarun ku leh Xerada Xalane ee ku dhax taala garoonka Aadan Cadde.