War Deg Dega:Shil Naxdinleh oo Ka Dhacay Degmada Sheikh iyo Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca

Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Wadada U Dhaxaysa Magaalada Burco Iyo Degmada Sheikh,11 Qof Oo Saarna Gaadhi Nooca Taxka Ah Ayaa Waxaa Soo Gaadhay Shil Xadin Badan,Kuwaas Oo Iminka Dhaawacoodii Lagu Dabiibayo Dhakhtarka Degmada Sheikh Halka Qaarna Loo Dhaadhiciyay Magaalada Berbera,
Labada Qof Oo Ku Naf Waayay Shilkan Ayaa Kala Ah,Gabadh Iyo Wiil,Waxaana Maydkooda Loosoo Qaaday Magaalada Burco Oo Ay Ka Safreen Markii Hore

Dadkan Oo Dhalinyaro Ah Ayaa Isugu Jiray Shan Hablood Iyo 6 Wiil Waxaanay U Dalxiis Tageen Buurta Sheikh,Sidoo Kale Wararka Aanu Ka Helayno Degmada Sheikh Ayaa Sheegaya Inay Jiraan 4 Qof Oo Iyagu Dhaawac Culus Soo Gaadhay,Isla Markaana Loo Qaaday Magaalada Berbera Si Loo Gaadhsiiyo Cusbataalka Weyn Ee Gobolka SAAXIL