Wasiir Sacad Cali Shire Oo Saamiga Dawlada Itoobiya Laga Siiyey Dekeda Berbera iyo Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya 

Waraysigan oo  uu sidoo kale wasiir Sacad kaga hadlay natiijada shirkii dawlada Somaliya ee London lagu qabtay,xidhidhka Beesha Caalamka iyo Somaliland  waxa uu u dhacay sida tan

Su’aal:-Mudane Wasiir Su’aalo  badan ayaa la iska waydiinayaa,siyaabo kala duwana waa looga hadlay saamiga 19% ee Itoobiya laga siinayo dekeda magaalada Berbera,wasiirka ganacsigu si kooban buu uga hadlay,afhayeenka madaxtooyaduna wuu ka hadlay,wasiir markaasi adna sharraxaad naga sii Saamiga Itoobiya la siinayo sida loogu jarayo iyo sababta keentayba?

Jawaab:-Shirkadii aynu maalintii dhawayto furnay ee ka diiwaangashan Somaliland,waxa wada leh Shirkada Dp World iyo Somaliland,midna 65% oo ah Dp World midina 35% oo ah Somaliland,laakiin waxa la isla qaatay madaama Itoobiya tahay macmiilka ugu wayn  ee isticmaali doona in Iyana laga qayb galiyo,dabadeedna waxa marka ay kasoo qayb gasho markaas ayaa Itoobiya lasiinayaa 19%,waxa saamigaa itoobiya la siinayaa ay ka kala imanayaan 14% waxa siinaya Dp World 5% waxa siinaysa Somaliland,wali Itoobiya kama qayb ah waa marka ay qayb ka noqdaan.

Su’aal:-Markaas Somaliland oo lahayd 35% waxa laga jarayaa 5% Dp World oo lahayd 65% waxa laga jarayaa 14%?

Jawaab:- Itoobiya markay soo gasho waxay kala noqonayaan 51% oo Dp World ah iyo 30% oo Somaliland iyo itoobiya oo yeelan doonta 19% ,markaa marka la leeyahay 19% ayaa la siinayaa Itoobiya macnaheedu maaha waa la iska siinayaa ee way maalgashanayaan oo waxii kusoo beegma saamigooda maalgashiga oo 442 Milayn dee wayn gashanayaan oo wax bilaash ah maaha,laakiin wali halkaas lama gaadhin,laakiin iminka waa Isfahan oo waxa la isla qaatay uun in laga qayb galiyo Itoobiya madaama aynu doonayno inay isticmaalaan.

Su’aal:-Shirkii Somaliya loogu qabtay London,qodobadii laga soo saaray wax kamid ahaa in Somaliland iyo Somaliya wada hadaladii lasii amba qaadayo marka doorasho ka dhacdo Somaliland bal kawaran hadii ay doorasho dhici waydo?

Jawaab:-Inagu markaste diyaar ayaynu u nahay wada hadalka ama doorashada haka horeyso ama haka danbaysee,marka ay iyagu diyaar yihiin anaguna diyaar Ayaan nahay.

Su’aal:-Shirka Somaliya loo qabtay ee ka dhacay London wax saamayn ah maku yeelanayaa Somaliland?

Jawaab:-shirkaasi inaga inamuu khuseynin somaliya ayuu khuseeyey,waxa kaga jiray oo qudha qodobkaas ah inay wada hadlaan Somaliland iyo Somaliya,qodobkaas laftiisuna waxa uu muujinayaa arrin laba dawladood ka dhaxeeya oo la kala yidhaahdo Somaliland iyo somaliya,laakiin waxyaalaha kale ee kasoo baxay inaga inama khuseeyaan

Su’aal:-Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka maxaa iska badalay?

Jawaab:-wax alaale wax iska badalay ma jirto inuu sii wanaagsanaado xidhiidhka Beesha Caalamka aynu  la leenahay mooyee wax iska badalay oo ka xumaaday ma jiraan

Su’aal:-Xoghayaha Qaramada Midoobey wuxuu sheegay dimuqraadiyaddii Somaliland inay sii Burburayso,wakhti Somaliland lagu dhaliilo dib u dhaca doorashooyinka maxaad ka leedahay?

Jawaab:-Waxba inagama burburayaan Dimuqraadiyadd inaga Burburaysaa ma jirto,Somaliland waa Wadan Dimuqraadiya,Shan doorasho ayaynu qabanay,shan bilood ka bacdina doorashadii Lixaad ayaynu qabanaynaa Isha alllah,Axsaab ayaynu leenahay,Baarlamaan ayaynu leenahay,madaama oo ay doorashooyin dib inooga dhaceen maaha macnaheedu dimuqraadiyad ayaa inga burburtay.

Exit mobile version