Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Waramay Daad Qaaday Oo Laga Soo Bad Baadiyey.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa Geeska Afrika uga waramay daad shalay qaaday oo uu ku geeriyooday Alle haw naxariiste maayarkii degmada Xariirad Marxuum Abokor Xasan Guuleed.

Wasiirku, wuxuu sheegay in dooxa qaaday u dhexeeyo magaalooyinka Boon iyo Qulu-jeed. Alle haw naxariiste maydka maayarka ayaa goor dambe oo shalay ah la soo helay.Wasiir Waaberi oo jooga magaalada Boon, wuxuu Geeska Afrika u sheegay inaanu isaga wax dhaawac ahi soo gaadhin ka dib markii la badbaadiyay, balse uu shilkaas ku geeriyooday maayarkii Xariirad, iyadoo uu dhaawac soo gaadhay askarigiisii. Wasiirka oo la hadlay Geeska Afrika wuxuu yidhi “Waan fiicnahay oo Alle waa naga badbaadiyay, roob ayaa meesha ku da’ay markaas meel aanu moodaynay inay yartahay ayaanu galnay, maayarkii ayaa ku geeiyooday, waxaanuna ahayn aniga,darawalka,maayarka iyo askarigii, askarigiina markaas
waa dhaawac aniguna waan fiicnahay, darawalkuna waa fiican yahay oo maayarka uun baa geeriyooday, waxaanan u soconay hawshii diiwaangelinta.”