Xukuumada somaliland Oo Fariin U Dirtay Shaqaalaha Ka Hawl Gala Shirkadaha Gaarka Ah

Hargeisa(GNN):-Xukuumada somaliland ayaa ugu baaqday shaqaalaha ka hawl gala shirkadaha gaarka loo leeyahay inay ka soo qayb galaan qaadhaanka loo ururinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Wasiirada duulista iyo shaqada oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si wada jir ah uga waramay muhiimada ay leedahay inay shaqaalaha aan dawliga ahayni ka soo qayb galaan qaadhaanka loo ururinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee la doonayo in dib loogu kaabo.

Wasiirka duulista iyo hawada somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa ugu baaqay shaqaalaha shirkadaha iyo shaqaalaha somaliland u dhashay ee ka hawl gala hay’addaha caalamiga ah inay ka qayb

galaan qaadhaanka, waxaanu yidhi “Baaqayagu waxa uu ku aadan yahay shaqaalaha shirkadaha rayidka ah oo aanu leenahay ka qayb gala qaadhaanka loo ururinayo dadka abaartu saamaysay, waxa kale oo aanu baaq u diraynaa shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee reer somaliland oo aanu leenahay hore kaalin mug leh ayaad uga qaadateen maantana waxa laydiinka maarmi waayey in gacanta sare ka khayr badan tahay gacanta hoose ee wax qaadanaysa markaa ka qayb qaata qaadhaankaas la ururinayo.”

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa soo bandhigay cida ay fariinta u gudbinayaan waxaanu yidhi “Fariinta aanu maantan halkan ka gudbinaynaa waxay ku wajahan tahay shaqaalaha rayidka, fariintuna kuma socoto shirkadaha ee waxay ku socotaa shaqaalaha u shaqeeya oo aanu ku boorinayno inay ka qayb galaan sadaqadan jaariga ah ee loo ururinayo dadka abaartu saamaysay.”