Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Uu Ka Tagay Xarunta Maamulka Somaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha fannaaniinta xiddiga geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah shabakaddaha warar oo sheegaya in ka degay magaalada Muqdisho.

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo qoraal kooban oo ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxa uu ku sheegay in uu warkaasi yahay mid been ah, waxaanu sheegay in uu wakhti xaadirkan ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo uu diyaarinayo barnaamijkii ciida ee kooxda xiddiga geeska.

Qoraalka uu Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ku baahiyay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:
Baraha bulshada waxa maanta aad loogu faafiyay in aan Tagay Xamar’ Taasi waa Been Laakiin Hore Xamar waan u Tagay waanan tagj Karaa Balse booramaan Hada joogaa oo XIDIGAHA GEESKU ku Qabanayaan barnaamijka Ciida
Shabakadda wararka Somalilandtoday oo ka mid ahayd shabakadaha baahiyay warkaasi waxa ay raali-galin buuxda u diraysaa Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax.