Boqorka Sacuudiga Oo Amray In Somaliland La Siiyo 50 Milyan Oo Ah Deeq Hore Loogu Balan Qaaday Maamulka Somaliya

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salaan Bin Cabdul Casiis ayaa la sheegay in uu wareejinta dhaqaalaha Dhinaca Somaliland uu u weeciyay ayaa lala xidhiidhanayaa go’aankii maamulka farmaajo ka qaatay khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka,

 

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in lacagtaan oo dhan 50 milyan uu horay u amray in la siiyo Soomaaliya Boqor Salmaan balse hada uu markale shaaciyay in la siiyo Jamhuuriyada Somaliland .

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dowladda Sacuudiga ay dib ula laabatay qorshooyin Mashaariic horumarineed looga fulin lahaa dalka Soomaaliya taas oo Soomaaliya horay u balan qaaday sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga.

Sikastaba dowladda Somaliland ayaa qaadatay Go,aan si wayn wax uga taray cilaaqaadka Diblumaasiyeed ee ka dhaxeeya somaliland iyo dowladaha Carabta.