Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir faratoon ayaa soo saaray qoraal uu Booliiska ku amrayo inay joojiyaan Caleemo saarka Suldaanimada Beesha Bah-gobo oo uu sheegay inay isku haystaan labadhinac oo kala ah dhaxal-sugihii xilkaas iyo mid kale oo cusub. Wasiir Faratoon ayaa sida warbaahintu heshay wareegtadiisan waxaa uu sheegay in lajoojiyo xafladda caleemo saarka suldaankan ay isku hayaan Xirsi Suldaan Ismaaciil Aadan (Baxar} oo isagu ah wiil uu dhalay suldaankii hore ee beeshaasi iyo ninka kale oo isnalayidhaahdo Jimcaale Maxamed Ciise, taasoo la caleemo saarayo Jimcaale.
Sidoo kale, Digreetada Wasiirka waxa lagu wargaliyey shirkaddaha Daabacaada Boodhadhka Caleemo-saarada inaanay daabicin illaa ay amar ka helaan wasaaradda Arrimaha gudaha, isagoo xusay in uu amar hore ka soo baxay inaan Suldaan la Caleemo saari Karin isagoo fasax haysta mooyaane. Wasiir Faratoon waxa uu sheegay isku qabsiga Saldanaduhu in uu Somaliland ku noqday Aafo keentay Sumcad xumo iyo Amni darro, sidaasi daraadeed uu amray Booliiska in talaabo laga qaado cidii ku kacda inay iska caleemo saarto suldaan aanay wasaaradda Arrimaha guduhu ogolaanin caleemo-saarkiisa.
Maalintii Khamiistii ee Dorraad ayaa ay ahayd markii ay Xukuumaddu albaabada u laabtay madal lagu caleemo saarayay Suldaannimada Jimcaale Maxamed Ciise halkaasi oo ay ciidamo tiro badanoo bilays ahi tageen islamarkaana ay joojiyeen xafladdii iyaga oo dadkii madasha ku sugnaanakala dareeriyey. Tallaabadan ayaa ka dembeysay kadibmarkii dhawaan uu geeriyooday alla ha u naxariistee Suldaan Ismaaciil Aden Xirsi (Suldaan Baxar) oo ahaa suldaanka beesha deegaanka Woqooyiga Hargeysa ee Geedeeble (Bahgobo). WArku waxaauu intaa ku daray in Wasaaradda arrimaha guduhu ay amarkan soo saartay kadibmarkii ay odayaasha beeshu ka dalbadeen in la joojiyo caleemo saarka suldaanka cusub, iyaga oo ku sababeeyey inaanay weli beeshu isku raacin cidda la caleemo saarayo ee buuxinaysa jagada Suldaan Baxar banneeyey,welina ay socoto tacsidii geeridiisu.